Tuesday, April 14, 2026
Dagaalka ayaa dhacay kadib markii ciidan iyo gawaari uu watay Gudoomiyaha degmada Yaaqshiid loo diiday inuu ka gudbo Kontarool laga ilaaliyo magaalada oo halkaas ku yaala. Waxaa bartaas Kontarool jooga ciidamo katirsan kuwa Booliska iyo waliba kuwa katirsan NISA iyadoo isfahan waa dhexmaray ciidamada uu sababay in halkaas uu dagaal...
Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa Maanta xukuno kala duwan ku riday sideed ruux oo midi haweeney tahay, kuwaas oo loo haysto waxa loogu yeero argagixisanimo. Kooxdaan Maanta ay Maxakama xukunada kala duwan ku riday ayaa la sheegay iney kawada shaqeeyeen dilal qorshaysan iyo dhacdooyin kale oo arbushaad ah, kuwaas oo...
Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga dalka ayaa maanta howlgal qorsheysan ku qaaday Saldhigyo ay Al-Shabaab ku lahaayeen deegaano hoostaga degmada Galcad ee Gobolka Galgaduud. Inta uu howlgalka socday waxaa Ciidanku ay ku guuleysteen inay soo saaraan Miinooyin ay Al-Shabaa ku Aaseen wadooyinka, sida uu Idaacadda codka Ciidamadda qalabka sida u...
Xiisado kacsanaan ah ayaa laga dareemayaa magaalada Garowe, kadib markii ciidamo maleyshiyo beeleed ah oo kasoo horjeeda isdiiwaan galinta doorashada qof iyo cod ay dhaqdhaqaaqyo ciidan ka bilaabeen gudaha magaalada Garowe. Xalay saqdii dhexe iyo saakay waaberigii xabbado ay ku jiraan qoryaha waawayn ayaa laga maqlayay qeybo kamid ah magaalada,...
Safiirka dowladda Mareykanka u fadhiya  Soomaaliya Danjire Larry Andre iyo Safiir ku xigeenka Mareykanka ee dalka kenya oo shir jaraa'id Maanta si wadajir ah ugu qabtay xarunta Safaarada Mareykanka ay ku leedahay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa lacag gaaraysa 10 Milyan oo dollar waxay dul dhigeen xubno sare...
Warar dheeraad ah ayaa kaasoo baxaya dagaal xoogan oo saakay aroornimadii hore ku dhexmaray deegaanka Beerxaano ciidamada deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleey iyo kuwa Ururka Al-shabaab. Dagaalka ayaa yimid kadib markii dagaalamayaal ka tirsan Shabaab ay weerar gaadmo ah ku qaadeen fariisimaha ciidanka deegaanka ay ku leeyihiin deegaanka Beerxaano oo...
Dalka Sucuudiga Carbeed ayaa soo celiyey xoolo ka dhoofay degaannada hoos taga Maamulka Somaliland, iyadoo la hor dhigay shuruud cusub. Sucuudiga ayaa xoolahaa ka dalbanaya inay la yimaadaan Warqadda Caafimaadka oo kasoo baxday DF Somalia, haddii kale aan loo fasixi doonin suuqyada Sucuudiga Carbeed. Maraakiib sida xoolo fara badan ayaa haatan...
Barlamaanka Soomaaliya ayaa maanta 20% mushaarkooda u jaray gurmadka dadka ku waxyeeloobay dhul gariirka ku dhuftay Turkiga. Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee barlamaanka oo guddoominayay kulanka barlamaanka ee maanta ayaa sheegay in ay ansixiyeen in 20% mushaarkooda u jaraan gurmadka Turkiga. Cabdullaahi Abshirow wuxuu sheegay in Turkigu abaal weyn ku leeyahay...
Shir ay aayahooda siyaasadeed kaga tashanayaan madaxda dhaqanka gobolada Sool iyo qaybo kamid ah Sanaag iyo Cayn, ayaa maanta ka furmay magaalada Laascaanood. Shirkan oo maalmihii lasoo dhaafay ay qaban qaabadiisu ka socotay magaalada Laascaanood ayaa hada furmay, madasha uu shirku ka dhacayo ayaa lagu sharaxay calamada Soomaliya iyo ka...
Ciidamadan oo aan ka tirsanayn kuwa ATMIS ee Midowga Afrika, ayaa si rasmi ah u joogaya Soomaaliya si ay uga qeyb qaataan wajiga labaad ee dagaalka ka dhan ah kooxda Alshabaab. Arbacadii ayay ciidamadan kasoo tallaabeen xadka Soomaaliya, maalmo kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in ciidamo ka socda...