Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa goordhaw shaacisay in ciidanka Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ay xireen Wadaadka lagu magacaabo Mustaf Cali Caanood oo si weyn looga yaqaano baraha Bulshada, kaasoo dowladda ay ku eedeysay inuu faafiyo aragtida waxa loogu yeero xagjirka.
War qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya...
Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Xil. Fardowsa Cismaan Cigaal iyo wafdi ay hoggaaminayso ayaa maanta gaaray magaalada Addis Ababa ee xarunta Dalka Itoobiya, halkaa oo ay ku soo dhaweysay Wasiirka Gaadiidka Itoobiya, Marwo Dagmawit Moges.
Wasiir Fardowsa iyo wafdiga ay hoggaaminayso ayaa muddada ay ku sugan...
Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in qorshaha dowladda Soomaaliya ee Dastuurka dalka kaga aadan inuu yahay in sanadkaan laga saarayo qabyada oo la dhameystiro.
Raysal wasaaraha Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in dowladda aysan sii shaqeyn karin hadaan la dhameystirin Dastuurka oo ah mid kala...
Waxaa mar kale dib u soo laba kacleyay kiiskii Ikraan tahliil faarax oo aheyd sargaalad ka tirsan hay'adda Nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka Soomaaliya lana waayay mudda hada hada laga joogo labo sano waxaana soo shaac baxay arimo cusub ee la xariirka kiiska ikraan.
Nabad sugida soomaaliya ayaa bilowgii sheegtay...
Madaxweynaha dowladda federalka Soomaaliya Xasan Sheikh maxamuud ayaa sheegay in lasoo bandhigidoono malaayiin dollar oo Alshabaab ugu xaraysnaa akoono maaliyadeed oo ay dowladdu xirtay.
Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa sheegay arrintaan inay qeyb ka tahay dagaalka dowladda kula jirto Alshabaab oo uu sheegay inuu yahay mid ficil ah.
"Dowladdu mar dhow way...
Madaxweynaha Dowladda Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale ku celiyay in siyaasad xumida Somalia haysata ay horseedi karto in la gaari waayo halkii la hiigsanayay oo ah in dib loosoo celliyo kala danbeyntii iyo dowlad-wanaaggii Somalia.
Xasan Sheekh ayaa xusay in siyaasad xumada jirta ay sabab u tahay inaan...
Ugu yaraan 11-qof ayaa ku dhintay, 15-qof oo kalena way ku dhaawacmeen dagaal culus oo ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa Al-shabaab ku dhexmaray duleedka degmada Diinsoor ee gobolka Bay.
Dadka ku dhintay dagaalkan iyo kuwa ay dhaawacyadu kasoo gaareen ayaa dhamaantood ka tirsanaa dhinacyadii dagaallamay, waxaana dagaalkaan la sheegayaa inuu...
Xuseen Macalim La Taliyaha Amniga Soomaaliya oo Sheegay in Al-shabaab iyo Fekerkooda Laga Adkaanayo.
Shalay waxay ku beegnayd sannad-guuradii shanaad ee ka soo wareegtay qaraxii ugu dhimashada badnaa ee ka dhaca Geeska Afrika, kaasoo ahaa qaraxii ka dhacay isgoyska Soobe.
Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha Qarxa ayaa ku qarxay Isgoyska mashquulka badan ee Zoobe ee magaalada Muqdisho, kaasoo ay ku dhinteen in ka badan...
Weerar loo adeegsaday qarax ismiidaamin ah ayaa lagu qaaday hotel ku yaalla magaalada Kismaayo.
Weerarka kadib dabley hubaysan oo katirsan Alshabaab ayaa billaabay inay gudaha u galaan hotelka, iyagoo adeegsanaya rasaas.
Iska horimaad ayaa hadda ka socda hotelka gudihiisa. Ciidamada ammaanka ayaa isku dayaya inay ka hortaagan in Alshabaab la wareegaan...
Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in dagaal saacadihii la soo dhaafay ka dhacay deegaanka Iji ee gobolka Hiiraan lagu dilay in ka badan 200 oo Shabaab ah.
Wasiir ku xigeenka warfaafinta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Alcaddaala ayaa sheegay in dagaalkan lagu dilay horjoogeyaal katirsan kooxda Alshabaab, kuwaas oo kala ah;
Salaad Maxamuud...


















