Saturday, March 22, 2025
Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb galay Banaanbax ka dhacay magaalada Muqdisho oo ka dhan ahaa kooxda Al-Shabaab ayaa ka hadlay arrimo badan oo la xariira dhibaatooyinka ay geysteen kooxda Shabaab. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay dhibaatooyinkii lama ilaawaanka ah oo ay kooxda u geysteen dadka...
Wararka naga soo gaaraya degmada Aadan yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleey ay Maanta kaabiga ku hayaan degmadaasi oo ay ku sugan yihiin Al-shabaab. Ciidamada kaabiga ku haya degmada Aadan yabaal ayaa waxaa hoggaaminaya xubno ka tirsan...
Odayaal reer Laascaanood ah ayaa xukuumada Somaliland kala hadlay kiiska nin shacab ah, oo dhawaan ciidamada millaterigu ku toogteen magaalada Laascaanood. Waxa ay sheegeen in wasiirada ay odayaashu la kulmeen ay ugu tageen si ay ugala hadlaan, arrinta mid kamid ah shacabka magaalada oo maalmo ka hor ay ciidamadu toogteen...
Wararka naga soo gaaraya deegaanka Wabxo ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka ee labadii maalin ee lasoo dhaafay ku sugnaa deegaankaasi iney Xalay isaga soo baxeen deegaankaasi. Gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik oo ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladda Fedaraalka ayaa sheegay in sababta looga...
Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Soomaaliyeed Jenaraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa faahfaahin ka bixiyay khasaaraha dagaal culus oo Maanta ka dhacay deegaanka Ceel qooxle ee gobolka Hiiraan, kaasoo dhexmaray ciidanka dowladda iyo kuwa dadka deegaanka oo dhinac ah iyo Ururka Al-shabaab. Taliye Biixi oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa...
Madaxweynaha Somaliland ayaa isku badal, xil ka qaadis iyo magacaabis ku sameeyay, qaar kamid ah wasiirada xukuumadiisa. Madaxweynaha ayaa xilkii ka qaaday Wasiirkii Howlaha Guud iyo Guryaynta Somaliland Cabdillaahi Abokor Cismaan, isaga oo xilka wasiirnimo u magacabaay wasiirkii wasaarada shaqo-galinta iyo arrimaha bulshada Mustafe Maxamuud Cali Bile (Godane).Madaxweynaha ayaa  Wasaaradda...
Xisbiga Mucaaradka Somaliland ee UCID, ayaa sheegay in anay jirin sabab sharci oo mudada loogu kordhiyo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, isagoo sheegay in ay dhacday muddo kordhin aan laga wada tashan. Guddoomiyaha xisbiga Faysal Cali Waraabe, oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargaysa, sheegay in doorashada madaxtooyada dib loo dhigi karo...
Wasiirka Arrimaha Dibbada Somaliland Ciise Kayd Maxamuud, ayaa sheegay in uu rajo ka qabo in xabad joojinta ay xukuumadu ku dhawaaqday ay suuragalin doonto in colaada Laascaanood wadahadal lagu dhameeyo. Wasiir Kayd oo warbaahinta kula hadlay Afka Ingiriisiga, ayaa sheegay  in xabad joojintu ay suuragalin doonto in khilaafka wadahadal lagu...
Dowladda Soomaaliya ayaa saakay xukun dil ah waxay ku fulisay labo nin oo katirsanaa Alshabaab, kuwaas oo dil ka geysan jiray magaalada Muqdisho. Shucayb Cabdullaahi Maxamed iyo Saadaq Cabdijabaar Cumar ayay ciidamada gacanta kusoo dhigeen sannadkii 2019, kadib iyagoo isku dayayay inay dilaan haweeney Qaadka ka ganacsan jirnay. Labadan nin oo...
Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Gen Odawaa Yuusuf Raage iyo Saraakiil ka tirsan Ciidamada Mareykanka ayaa ka wada hadlay xoojinta iskaashiga dhanka Milliteriga ah ee ka dhaxeeya labada dal, xilli ay socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab. War ka soo baxay difaaca Soomaaliya ayaa lagu sheegay in taliyaha militariga Saraakiisha...