Tuesday, May 19, 2026
Ciidamada Uganda ee qeybta ka ah howlgalka nabad ilaalinta midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa ka qeyb qaadanaya dagaal dhinaca cirka ah oo kooxda Shabaab looga xoreynayo gobolka gobolada dhexe ee Soomaaliya. War kooban oo kasoo baxay taliska ATMIS ayaa lagu sheegay in hawlgallada militari oo ay safka hore uga jiraan...
Waxaa Maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho doorashada kursiga tirsigiisu yahay HOP 086 oo deegaan doorashadiisu u aheyd magaalada Baledweyne, hayeshee guddiga kumeel gaarka ee doorashooyinka kuraasta ka banaan Golaha Shacabka ay sheegeen in si ku meel gaar ah loogu wareejiyay Muqdisho. Doorashada kursigaan ayaa waxaa isku soo sharaxay laba Musharax...
Munaasibad ka dhacday xarunta Tiyeetarka Qaranka oo ay soo agaasimeen guddiga gurmadka walaalaha Turkiga, ayaa Xukuumaddu ku wareejisay lacag dhan $4,818,477 dollar, una dhiganta ku dhawaad 100 milyan oo lacagta Turkiga ah ee Lira taasi oo laga soo uruuriyey shacabka Soomaaliyeed, 20-kii maalmood ee lasoo dhaafay. Ra’iisul Wasaaraha ayaa shacabka...
Puntland ayaa digniin xooggan kasoo saartay Roobab mahiiggaan ah oo ku soo wajahan gobolka Nugaal, sida ay tilmaamayso saadaasha hawada. Qoraal kooban oo ka soo baxay wasaaradda gargaarka iyo maaraynta masiibooyinka, ayaa bulshada lagu wargaliyay inay feejignaadaan kana baxaan dhulka godan iyo meelaha biya qaba-tinka leh. “Waxay saadaashu sheegaysaa inay jiraan...
Somaliland ayaa sheegtay in kooxo ay ku tilmaantay huwan, oo ay sheegtay in argagixiso kamid tahay isla markaana ay Puntland hogaaminayso ay weerar muddo la qorshaynayay kusoo qaadeen fadhiisimada millatariga ee aaga Laascaanood. Qoraal lagu baahiyay boga Wasaarada Gaashaandhiga Somaliland, ayaa lagu sheegay in saaka subaxdii hore ay xoogaga ka...
Nin kasoo jeeda qoomiyada Oromada, ayaa xalay feedh jilib ku dilay wiil 22 sanno jir ah, dilka ayaa ka dhacay afaafka hore ee Guuleed Hotel ee magaalada Hargaysa. Warbixin lagu daabacay boga Facebook ee Booliiska Somaliland, ayaa lagu sheegay in ciidanku ay ku guulaysteen in ay gacanta ku dhigaan eedaysanaha,...
DAAWO; Farmajo shurud adag ku xiray Xasan shekh, Mucaradka Awood lasoo baxay,Ceebtii ugu weyneyd. https://youtu.be/ZM48ulK9omo         
Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Soomaaliyeed Jenaraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay khasaaraha ka dhashay howlgal Shalay ciidamada dowlada ka sameeyeen deegaano hoostaga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug. Jenaraal Biixi ayaa sheegay in howlgalka oo ahaa mid cir dhul ah oo ay ciidamada xoogga ka...
Shirka golaha wadatashiga qaran ayaa maalintii labaad ka socda magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed. Shirka ayaa arrimaha ugu muhiimsan ee diirrada lagu saarayo waxay yihiin amniga, gaar ahaan wejiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Alshabaab. Wasiirka warfaafinta Koobfur Galbeed, Xasan Cabdulqaadir Maxamed, ayaa BBC...
Wasiirka Wasaarada Ganacsiga ee Maamulka Puntland Cabdalle Cali Maxamed Xaashaawe oo oo warbaahinta kula hadlay magaalada Garoowe ayaa sheegay in ay qabanayaan Shir weyne Caalami ah oo ku saabsan Maal-gashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Puntland Wasiirka  Ganacsiga  Maamulka Puntland Cabdalle Cali Maxamed Xaashaawe  ayaa sheegay in Shirkan  la qaban doonno  13- illaa...