Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa saakay oo khamiis ah xukun dil ah ku fulisay Cumar Aadan Maxamed iyo Cabdulle Axmed Muumin oo katirsan Alshabaab.
Labadan nin ayaa sannadkii 2019 dilalka qorshaysan ka geysan jiray magaalada Muqdisho, waxayna dileen labo askari oo katirsan ciidamada dowladda Soomaaliya ka hor inta...
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa xalay mar kale kulan kula qaatay hoyga uu ka dagan yahay magaalada Muqdisho siyaasiyiinta ku midoobay Midowga Musharraxiinta iyo Madasha Badbaadada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Kulankan oo ahaa kii labaad oo ka dhaca hoyga gudoomiye Sheekh Aadan Madoobe...
TPLF ayaa dowladda Eritariya ku eedaysay in diyaaradaheeda dagaalku ay duqeymo dhanka cirka ah ka fuliyeen maanta magaalo kamid ah gobolka Tigray oo lagu magacaabo Irob, sida uu baahiyay Tvga Tigray ee ay maamulaan TPLF.
Goobaha ay waxyeelladu ka soo gaartey duqayntu ayay TPLF ku sheegtay inay ahayd goobo ay...
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa xalay kulankii ugu horreeyay la qaatay madaxweynaha maamulka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.
War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska raysal wasaaraha ayaa lagu sheegay in kulanka looga hadlay qoddobo dhawr ah oo ay ugu horreeyaan xaaladda amniga ee dalka iyo gurmadka loogu jiro xal u...
Qaraxyo aad u xoogan oo Ismiidaamin ah ayaa goordhaw laga maqlay jugtooda inta badan degmooyinka gobolka Banaadir, kuwaas oo lasoo sheegayo iney ka dhaceen nawaaxiga xarunta maamulka gobolka Banaadir.
Qaraxyadaan oo gaaraya ilaa sadax qarax ayaa la tilmaamaya in qaraxa koowaad uu ahaa mid ka dhacay dhabarka dambe ee xarunta...
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer ugu amba-baxay qaar ka mid ah deegannada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Alshabaab.
Sida lagu sheegay war kooban oo kasoo baxay madaxtooyada Soomaaliya, Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa warbixinno ku saabsan guulaha iyo abaabulka dagaalka dalka lagaga xoreynayo Alshabaab, ka dhagaysan doona...
Ciidanka Millateriga Somaliland, ayaa sheegay in aanu ciidanku gobolka ka bixi doonin, hadii amni daro danbe dhacdana uu xoog nabada ku sugi doono.
Taliyaha Ciidamada Millateriga ee Gobolka Sool Sareeye Guuto Mahad Cambaashe, ayaa digniin u diray dad uu sheegay in ay rabaan in ay magaalada Laascaanood qas galiyaan, isagoo...
Madaxa ciidamada TPLF Janaral Taddese Warade ayaa sheegay in boqolkiiba 65 ka mid ah dagaalyahannadooda ay ka baxeen furimaha dagaalka, sida ku caddayd heshiiskii TPLF iyo dowladda Itoobiya ku dhex maray Koonfur Afrika.
Inkastoo Janaraalku uusan xusin tirada rasmiga ah ee ciidamadooda ee baneeyay furimaha dagaalka, haddana wuxuu xusay in...
Askari ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa 10 kun oo Shilin Soomaali u dilay Wiil dhalinyaro ahaa oo ku shaqeysanaayay Mooto Bajaaj xili uu maraayay Carbiska ee duuleedka magaalada Muqdisho.
Wiilkaan dhalinyarada ahaa ee la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Maxamed Xasan Jabuuti, waxaana la sheegay inuu bixiyay 10-ka kun...
Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaran, Dr. Axmed Cali Daahir ayaa ugu baaqay hay’adaha dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed inay si adag ula dagaalamaan musuq-maasuga ragaadiyay dalka, isagoo xusay inay jiri doonaan isbedello, waddankuna uusan kusii jiri doonin marxaladaha hadda jira.
Dr. Axmed Cali Daahir ayaa sidoo kale xusay inay la-xisaabtan uu jiri...


















