Friday, January 28, 2022
Maamulka Ahlusunna Waljamaaca, ayaa diiday in wada-hadal ay dabada ka riixayso Dowladda Federaalka Somalia la gasho maamul-goboleedka Galmudug, xilli ay socdaan dadaallo la doonayo in lagu dhexdhexaadiyo labada dhinac. Madaxweyne ku xigeenka maamulka Ahlusunna ee gobollada dhexe, Cabdllaahi Diirshe ayaa sheegay inaysan waxba ka jirin wada-hadal loo furayo iyaga iyo...
Wararka ka imaanaya wadanka Suudaan ayaa sheegaya in raysal wasaarahii dalkaasi Cabdalla Xamduuk la galiyay xabsi guri saakay oo isniin sida uu baahiyay Tv-ga Alxadath ee dalkaasi. Wararka waxay intaasi ku darayaan in ciidamo ka tirsan militariga dalka Suudaan ay isku gadaameen guriga raysal wasaare Cabdalla Xamduuk, waxaana dadka la...
Wararka naga soo gaaaraya degmada Marka ee xarunta u ah gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in xoogag ka tirsan Al-shabaab xalay weerar culus ku qaadeen saldhigyada ciidamada dowladda ee bartamaha degmada. Dadka degan degmada Marka oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay arkeen xoogag ka tirsan Al-shabaab oo ka...
Musharixii xisbiga Dumuquraadiga ee looga adkaaday doorashadii dhawaan ka dhacday dalka Mareykanka Hillary Clinton ayaa ku eedeysay guuldaradii ka soo gaartay dorashada,  Agaasimaha FBI-da James Comey, oo shaaciyay maalmo uun ka hor waqtiga doorashada in baaritaan lagu sameynayo Email-dii ay isticmaashay watigii ay aheyd  xoghayaha arrimaha dibada Mareykanka. Iyadoo khadka...
Danjiraha Cusub ee Somalia ee Tanzania, Maxamed Xasan Cabdi iyo ku xigeenkiisa, ahna Qunsulka Safaarada Soomaaliya ee Tanzania, C/qaadir Maxamuud Yuusuf, ayaa dhawaan kulan ka qaatay madaxweynaha waddanka Tanzania, John Pombe Magufuli, wuxuuna ka guddoomay Warqadihii aqoonsiga danjirenimo. Madaxweynaha Dalka Tanzania iyo Danjiraha cusub ee Somalia ee dalkaas ayaa kulankooda...
  Dowladda Sudan ayaa beenisay warar sheegayay in xiisad ay ka dhex taagan tahay Eritrea iyo Sudan. Arrintan ayaa ka dambeysay ka dib markii Sudan ay ciidamo u daad gureysay xudduuda u dhaxeysa labada dal. Barasaabka gobolka Koonfur Bari ee Kassala ayaa sheegay in ciidamada goobtaasi loo diray ay yihiin kuwa loogu...
Ciidammo Somali ah ayaa la sheegay in ay ka Qayb-qaateen hawlgalkii habeen hore laga fuliyay degmada Aw-dheegle ee Gobolka Shabeellada Hoose, kaasoo khasaarihii ka dhashay ay illaa hadda kasoo baxayaan warar kala duwan. Hawlgalkan oo ay fuliyeen diyaaerado kuwa qummaatiga u kaca ah ayaa waxaa la sheegay inay ciidamadii la...
Golaha iskaashiga dowlad-gobolleedyada dalka ayaa walaac ka muujiyay xaaladda qasan ee ka taagan dowlad-gobolleedka Galmudug,iyagoo muujiyay xaaladda ka taagan gobolka si dhow inay ula socdaan. Golaha ayaa ku eedeyay dowladda dhexe ee federaalka "in dhaq-dhaqaaqyada aan wax dhisayn ee socda ay la jaan-qaadayaan baaqii madaxweyne Farmaajo ee munaasabaddii furitaanka golaha...
Wadahadalo ayaa u furmay Khatumo iyo Somaliland. Khatumo ayaa madaxweynaheeda Cali Khaliif Galeyr uu u xaqiijiyay arinkaa warbaahinta. Somaliland ayaa gooni isu taagtay sanadkii 1991 kadib markii dawladii dhexe ee Soomaaliya ay burburtay. Si kastaba wax aqoonsi ah maysan ka helin beesha caalamka min waqtigaa ilaa iyo hada. Waxaa muran uu...
Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre iyo wafdi uu horkacayo ayaa lagu wadaa in uu maanta gaaro magaalada Kismaayo ee xarunta KMG u ah maamul gobolleedka Jubbaland. Maalintii shalay waxaa magaalada Kismaayo gaaray wafdi hordhac u ah safarka Ra’iisul Wasaaraha iyo qaar ka mid ah ciidamada ilaalada khaaska ah...