Friday, December 3, 2021
Qarax xooggan ayaa ka dhacay nawaaxiga wasaaradda gaashaandhigga ee magaalladda Muqdishu, sida dadka deegaanka ay sheegeen. Qaraxa ayaa waxaa lala beegsaday kolonyo ciidan oo ay la socdeen Saraakiil ka tirsan ciidanka dowladda. Xaruunta Wasaaradda Gaashaandhigga, waxaa maanta lagu qabtay munaasabad ay xilalka kula kala wareegayeen Taliyaha cusub ee Ciidamada xoogga Soomaaliya...
Taliyaha Ciidamada Difaaca Kenya, general Robert Kibochi ayaa sheegay ciidamada Kenya in aysan ka bixi doonin Soomaaliya waqti dhow. Wareysi uu siiyay KBC, Kibochi wuxuu ku sheegay in Soomaaliya aysan xasilooneyn, ciidamadooda amnigana ay wali u baahan yihiin in laga taageero howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya. Gen Kibochi, ayaa sidoo kale...
Taliska ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeeda ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay howlgallo saacadihii ciidamada militariga ka sameeyeen deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose. Taliyaha ciidamada Lugta General Odawaa Yuusuf Raage ayaa faah-faahin ka bixiyey howlgallada guullaha laga gaaray iyo sida ay u socdaan, isaga tilmaamay in deegaanadda haatan ay...
Waxaa sii kordhaya khasaaraha dhimashada weerar ismiidaamin ah oo maanta lagu qaaday xarunta waaxda canshuuraha dekeda Muqdisho, waxaa ay dhimashada gaartay ilaa iyo hadda 29 ruux sidda ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan booliiska. Col C/qaadir Faarax ayaa u sheegay wakaalada wararka Reuters, in 29 ruux oo u badnaa dad rayid...
Kulan wada jir ah oo looga arinsanayo doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu wadaa in ay maanta ku yeeshaan magaalada Muqdisho markii ugu horeysay xildhibaannada golaha shacabka iyo aqalka sare ee Soomaaliya. Xildhibaannada maanta kulanka yeellanaya ayaa waxaa kala hogaaminaya guddoomiyaha gollaha shacabka Prof Max’ed Cismaan Jawaari iyo guddoomiyaha aqalka sare...
 Saraakiisha ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ee gobolka Gedo ayaa waxaa ay faah faahin ka bixiyeen ka bixitaanka ciidamada Kenya ee degaanka Tarako oo ka tirsan gobolka Gedo. Col Guhaad Maxamed Cumar oo ka tirsan saraakiisha ciidamada dowladda ee degmada Baardheere ayaa sheegay in aysan garan karin ilaa hadda sababta ka...
Waxaa magaalada Muqdisho maanta ka furmy shirka bilaha ee xasilinta Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya, waxaana shirkan daah furay oo shir guddoominayay wasiirka Arrimaha Gudaha iyo dib-u-heshiisiinta Soomaaliya Cabdi Faarax Juxa. Waxaa shirka sidoo kala ka qeybgalay xubno ka socda dowlad gobolleedyada, wakiilo ka socda caalamka uu ka mid ahaa ku-...
Dowladda dhexe ee Itoobiya ayaa si faah faahin ka bixisay waxa soo dadajiyay is badalka ka dhacay dhulka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya, kaddib markii tallada deegaanka laga wareejiyay Cabdi Maxamuud Cumar oo hadda ku jira gacanta dowladda Itoobiya. Wasiirka Warfaafinta dowladda federaalka Itoobiya Axmed Shide ayaa sheegay in maamulkii Cabdi Maxamuud...
Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Magaalada Melbourne ee dalka Australia ku nool ayaa cambaareeyay weerarkii lagu dilay shacabka iyo askarta ee Mareykanku uu dhawaan ka fuliyay deegaanka Jeexoow oo ku yaalla dulleedka Magaalada Gaaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug. Jaaliyadda soomaalida ee Melbourne ayaa weerarkan u arka mid xad gudub ah oo lagula...
 Sarkaal ka tirsan Waaxda Duulista Hawada ee Soomaali ayaa sheegay in ugu yaraan 15 jeer ay isticmaaleen hawada Soomaaliya diyaaradaha Qadar Airways tan iyo markii qaar kamid ah dowladdaha Carrabta ay xiriirka u jareen dowladda Qadar. “Diyaaraddaha Qadar Airways, ayaa hal ama laba duullimaad ku imaan jiray dalka Soomaaliya maalin...