Monday, December 6, 2021
Taliyaha Saldhiga Magaaladda Cadaado Cumar Xuseen Muumin, ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamadda Nabadsugida ay gacanta kusoo dhigeen laba ruux oo lagu tuhmayo in ay Qoorta ka gooyeen, gabar yar oo 7-jir ah. “ Ciidamadda Booliiska iyo Nabadsugid, ayaa howlgal ay sameeyeen ku soo qabtay labada ruux, waxaana ku wadnaa...
Bam gacmeed ayaa xalay lagu weeraray guriga Xildhibaan Macalin Cali Aadan Cadoow, oo ku yaalla Xaafada Taleex ee Degmada Hodan ee Magaaladda Muqdisho. Dadka deegaanka ayaa sheegay, in kooxihii weerarka fuliyay ay baxsadeen. Lama shaacin, khasaaraha ka dhashay Qaraxyada. Masuuliyiinta ammniga dowladda  ayaa sameeyay howlgallo, waxaana la sheegayaa in ay dad ku...
Wasiirada Arrimaha Dibadda Dowladaha Carabta oo shir ku yeeshay magaalada Qaahira ayaa waxa ay ka hadleen arrimaha ka taagan qaar ka mid ah dalalka Carabta, kulanka waxaa si gaar ah looga hadlay xiisadaha ka taagan dalalka Syria, Ciraaq, Falastiin, Libya iyo Soomaaliya. Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta Mudane Axmed oo...
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarunta madaxtooyada kaga gudoomay warqadihii aqoonsiga danjiraha cusub xukuumadda Australia ee Somalia, wakiilkana uga noqon doona Somalia, Mr John Feakes. Xasan Sheekh ayaa wakiilka Australia uga warramay xaaladda Soomaaliya iyo horumarka ilaa iyo haatan lagu tallaabsadey ee dhinacyada dowlad-dhisida, baahinta xukunka, amniga iyo...
Xaalada Gaalkacyo ayaa saaka daggan kadib dagaal halkaa shalay ka dhacay oo inta la xaqiijiyay ay ku dhinteen labo qof. Dagaalka ayaa u dhexeeyay ciidamada Puntland iyo ciidamada maamulka Galmudug. Dagaalka ayaa ka dhacay xaafada Garsoor ee magaaladaasi Gaalkacyo shalay subax ayadoon la ogeyn sababta dhalisay. Dhawaan dagaalo halkaa ka dhacay...
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, isla markana ah duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale, ayaa si kulul uga Jawaabay Hadalkii kasoo yeeray Hanti-dhowraha Guud ee Qaranka ee ahaa inay sharci-daro yihiin kaararka aqoonsiga ee uu maamulka gobolka Banaadir bixiyo. Duqa Muqdisho ayaa sheegay in kaararka Aqoonsiga aysan sharci-darro ahayn, isla markaana ay qayb...
Baarlamaanka Jaamacada Carabta ayaa isku raacay in la kordhiyo taageerada la siiyo Soomaaliya si loo xaqijiyo amniga magaalada caasimada ah ee Muqdisho iyo ka hortaga kooxaha argagixisada ah. Xildhibaanada baarlamaanka Jaamacada Carabta ayaa sidoo kale waxaa ay sheegeen in ay isku afgarteen in laga dhigo dagaalka lagula jiro Al-shabaab dagaal...
Kadib hawlgal ay sameeyeen Ciidamada Badda Puntland, ayaa waxa ay gacanta ku soo dhigeen doomo loo adeegsan jiray tahriibinta dadka ka baxa xeebaha Magaalada Boosaaso. Ciidmada Badda Puntland (PMPF) ayaa sheegay in maalmihii la soo dhaafay howgal ay wadeen ka gaareen guulo waaweyn, ayna ku soo qabteen qalab badan oo...
Madaxda xisbiyada siyaasada soomaaliya oo ku wada jira Isbaheysiga IXSS ayaa habeenkii 3'aad ku sugan  xarunta gobolka Hiiraan ee Beledweyne,iyagoo kulamo gooni gooni ah la leh qeybaha bulshada ku dhaqan magaalada Beledweyne. Madaxdan oo tiradoodu gaareyso ilaa todobo xubnood ayaa waxaa hugaaminayey gud.kuxigeenka 1'aad ee Isbaheysiga xisbiyada siyaasada soomaaliya Suleymaan...
Koox hubeysan ayaa xalay toogasho ku dishay mid ka mid ah ganacsatada ku dhaqan degmada Dharkeynley ee Magaalada Muqdisho sida ay warbaahinta u sheegeen ehelada marxuumka la dilay. Koox bastoolado ku hubeysan ayaa toogasho ku dilay ganacsadaha oo lagu magacaabi jiray Sheekh Cismaan Xassan oo xiligaa ku sugnaa xaafadda Suuq...