Maxkamadda Racfaanka Gobolka Galgaduud ayaa ku dhawaaqday in dib loo furo kiiska dilka naxdinta lahaa ee lagu eedeeyay saddex ruux oo loo haystay dilka hooyo Safiya Daahir Wehliye iyo saddexdeeda gabdhood, kuwaas oo lagu dilay deegaan hoostaga Qayib bishii hore.
Go’aankan ayaa lagu sheegay qoraal rasmi ah oo soo baxay 29-ka Oktoobar 2025, kaasi oo ay Maxkamaddu ku sheegtay in ay dib u eegis iyo racfaan cusub ku samayn doonto kiiskii hore ee lagu xukumay eedeysanayaasha kala ah, Cabdi Cusmaan Cabdulahi, Ayuub Maxamed Cabdi iyo Cali Aadan Xuseen.
Qoraalka Maxkamadda ayaa tilmaamay in dib-u-furista dacwadda ay timid kadib markii la soo gudbiyay cabasho rasmi ah oo ku saabsan sida ay u dhacday dhegeysiga hore ee kiiska, iyadoo la doonayo in dib loo qiimeeyo caddeymaha iyo marqaatiyaashii la hor keenay.
Sida lagu sheegay warqadda Maxkamadda Racfaanka Galgaduud, kiiskan dib loo furay ayaa la qorsheeyay in dib loo bilaabo 5-ta bishan Nofeembar 2025, waxaana lagu casuumay dhinacyada dacwadda, qareenadooda iyo saraakiisha amniga ee Dhusamareeb.
Maxkamaddu waxay sheegtay in ay doonayso cadaalad buuxda iyo dhegaysi caddaalad ah, iyadoo la xaqiijinayo in geerida hooyada iyo carruurteeda ay hesho garsoor dhab ah oo ku saleysan caddayn iyo shuruucda dalka.
Go’aankan ayaa si weyn u soo jiitay dareenka bulshada Soomaaliyeed, iyadoo dad badan ku baaqeen in kiiska si hufan loo dhageysto loona helo cadaalad aan leexleexad lahayn.












