Gudoomiyaha cusub ee maamulka gobolka Hiiraan Maxamed Xuseen Maxamed oo Xalay si rasmi ah ula wareegay xilkaan ayaa balan qaaday inuu wax badan ka qaban doono amni xumada ka jirta magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Guddoomiye Maxamed Xuseen Carab ayaa xafladii uu Xalay xilka kala wareegaayay guddoomiyahii hore ee gobolka Hiiraan Muuse Salaad Wehliye ka sheegay inuu soo afjaro doono dhibaatooyinka la xariira dhaca dadweynaha.
“Caawa kadib lama arkin doono Tuugo Dhibaateeyneysa Hooyooyinka maskiinta ah ee ku nool Baledweyne, waxaan ku qaban doonaa burcada iyo kooxaha kale ee amni darada ka geystay magaalada gacan bir ah” ayuu yiri guddoomiye Maxamed Xuseen Maxamed.
Wuxuu sidoo kale dalbaday guddoomiye Carab in dadka reer Baledweyne ay kala shaqeeyaan amniga iyo horumarka guud iyo sidoo looga gudbi lahaa caqabadaha ragaadiyay gobolka Hiiraan.
Hadalkaan kasoo yeeray guddoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan ayaa kusoo aadaya, iyadoo dadka ku nool magaalada Baledweyne ay la daalaan dhacayaan dhibaatooyinka la xariira dhaca iyo dilalka loo geysanayo dadka rayidka ah ee ku nool xaafadaha Baledweyne.












