Puntland ayaa digniin xooggan u dirtay cid kaste oo hub sidata oo aan kamid ahayn hay’adaha amniga, iyadoo sheegtay in aan hadda kaddib laga leex leexan doonin in tallaabo laga qaado.
Taliyaha ciidanka Booliiska Puntland, Gen. Muumin Cabdi Shire ayaa sheegay, in ay tallaabo ka qaadidoonaan cid kaste oo hubaysan oo xadkeeda soo dhaafta. Taliyuhu wuxuu tilmaamay in ay go’aan cad ka leeyihiin amniga Puntland iyo cid walba oo ka hor timaada nidaamka iyo dowladnimada Puntland
“Haddii nidaamka iyo dowladnimada la hor istaago waxaan ku qasbannahay inaan difaacno. Kun nin ayaan ugasoo tagnay qararka (Calmiskaad) intaan dhagaxa sidaas ugu rognay oo dowladnimada u dhimanayay,” ayuu yiri taliyaha ciidanka Booliiska Puntland.
Taliye Muumin ayaa sheegay jiraan culaysyo siyaasadeed iyo dhaqdhaqaaq dad hubaysan ay ka wadaan gudaha Puntland. Wuxuu sheegay in ciidamo dhawaan lagu soo tababaray Carmo ay diyaar u yihiin inay gacan bir ah ku qabtaan amniga magaalooyinka.
Wuxuu sidoo kale sheegay in aan cid loo bartilmaameedsan doonin arrimo siyaasadeed, balse ciddii amniga halis ku ah in aan loo dulqaadan doonin.
Hadalka taliyaha ciidanka Booliska Puntland ayaa kusoo aadaya xilli ay Puntland ku sugan yihiin ciidamo ka diiwaan gashan Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo dhawaan ay Puntland ka jaratay mushaarkii iyo adeeggii la siin jiray.












