Falaqeynta musuqmaasuqa hey’adaha(HEY’ADDA RAABIDADA ISLAAMKA QEYBTA SOOMAALIYA AMA HEY’ATUL IGAATHAH CAALAMUL ISLAAM.

0
79

Waxaan maanta kusoo qaadaneynaa xubinteena falaqeynta musuqmaasuqa hey’adaha qodob ku saabsan sida ay u shaqeyso hey’adda raabidah al islaamiyah(hey’atul igaathah al caalamiyah qeybteeda soomaaliya.

Hey’adda raabidada islaamku waxey kamid tahey hey’adaha ka hawlgala dalka soomaaliya kuwa ugu waaweyn ee aan waligood dalka ka bixin,marka laga reebo mudo yar oo ay hawlahooda hakiyeen.

Waxaa waqtigan maamula nin u dhashey dalka suudaan laguna magacaabo karam,wuxuu gumarnatore kasoo noqdey magaalo madaxda dalka suudaan ee khartuum,inta badan wuxuu joogaa soomaaliya,lama oga in uu qabo xaas soomaali u dhalatey,waase lagu tuhmayaa waayo luqadda afka soomaaliga ayuu wax yar ka yaqaan oo uu marmar kula hadlaa kuwa ay aadka isugu dhawyihiin ee ay hey’adda kawada shaqeeyaan.

Waxaa jira dhawr soomaali ah oo isaga hey’adda uga hooseeya kuwaas oo aan magacyadooda idiin sheegi doono warbixintan mida ku xigta insha allaah,waxaanan hadda guda geleynaa wax qabadkii hey’adda xilligii abaaraha ba’ani soomaaliya ka dhaceen,hey’addu xilligaas waxey caalamka ka heshey in ka badan 10 toban markab oo raashin nuucyo badan ah sida bariis,sonkor,bur,saliid,timir baasto iyo nuucyo kale oo raashinka la cuno ah,isla markaana waxey hey’addu sanadkaas heshey oo caalamku soomaaliya ugu dhiibey lacag ka badan 7.5 million oo doolarka mareykanka ah,lacagahaas oo qaarkood la soo mariyey hey’adda UNHCR oo ay wadashaqeyn leeyihiin.

Marka aynu ka hadalno tusaale ahaan waxa ay hey’addu ka qabatey ama ay bulshadi xiligaas u baahneyd gargaarka siisey gobolkan banaadir oo aan wada heyno dukumintiyaal aan sidooda usoo bandhigi doono maalmaha soo socda waa sidan:-

waxaa hey’adda xilligaas warbixin usoo gudbiyey dhawr iyo toban NGO oo maxali ah kuwaas oo kan ugu badani wax u doonayey dad ka badan toban kun oo qof(10.000)
oo barakacayaal ah kan ugu yarina shan kun oo qof(5.000).

Waxey hey’addu ogolaatey oo ay wax u dhiibtey 8 sideed NGO oo kaliya,magacyada NGO yadaas waan soo bandhigeynaa qormooyinka soo socda insha allaah,hadaba maxey hey’adda raabidada islaamku u dhiibtey sideeda ngo ee ay ogolaatey,waxey NGO kasta u dhiibtey 50 kiish oo timir biyo noqotey sidey bakhaar ugu jirtey isticmaalkeedu xumaadey.

Kontonka kiish kiiba waxaa ku jira 25kg=1250kg,hadii lagu dhufto sideed NGO oo midkiba loo dhiibey kun labo boqol iyo konton kiilo garam waa 10.000 kg oo lamid ah toban tan oo kaliya,waxeyna su’aasha taagani ay tahey halkee ka baxeen ama la geeyey maraakiibti iyo raashinki kala nuuca ahaa ee caalamku ugu deeqey soomaaliya?
Waxaan idiin heynaa raashin shaxaad iyo laaluush loo siiyey shaqsiyaad soomaali ah oo qaarkood ay madax yihiin qaarna shacb yihiin,waxaan kaloo idiin heynaa cadeymo muujinaya raashimo lagu kala gatey dekedda muqdisho ganacsato NGO laga dhigey ,raashinkana laga iibiyey,la soco qormooyin kale oo wata cadeymo muujinaya musuqmaasuqa ku baahey hey’adan dhiiga iyo dhididka muslimiinta ku naaxdey,waxaan kaloo idiin soo bandhigeynaa dad hey’adda laga ceyriyey marki ay qaladaadkan ka hadleen iyo agoon ka cabaneysa hey’adda raabidatul caalamul islaam qeybteeda soomaaliya.
Waxaa kaloo loo yaqaan sida ku cad loogada hey’adda(hey’atul igaathah),waxeyna xarunteeda muqdisho ku taal inta u dhaxeysa k4 iyo teree biyaano.
Nagala soo xiriira emailka warsom2011@gmail.com ama tel no 0618557971 text message ayaad noo soo diri kartiin.