Madaxwayne Siilaanyo Oo Qaabilay Maayarada Todoba Magaalo Oo Darajadooda Lagu Sheegay (A) Iyo Nuxurka War-saxaafadeed Lagaga Waramay Kulankooda‏.

0
190

WAKAALADDA WARARKA WARSOM.COM

Madaxwaynaha Maamulka Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta qasriga Madaxtooyadda ku qaabilay Maayarada todoba Magaalo oo la sheegay in darajadoodu tahay A.

War-saxaafadeed ka soo baxay aqalka Madaxtooyadda oo ku saxeexan yahay afhayeenka Madaxtooyadda Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa u dhignaa sidan “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu maanta xafiiskiisa ku qaabilay 7-da Maayer ee Magaalooyinka ay darajadoodu tahay A-da.

Kulankan oo daba socday kulan u Madaxweynuhu hore ula yeeshay Badhasaabada Dalka 05/06/2012.

waxa uu Madaxweynuhu maayerada ka dhegaystay warbixin la xidhiidha hawlaha ay qaranka u hayaan iyo xidhiidhka wada shaqaynayd ee Hay’adaha Dawladda.

Warbixintaa dheer waxay Maayiradu kaga warameen wax-qabadkooda labadii sanno ee ugu dambeeyey oo ay sheegeen inuu aad iyo aad uga badan yahay Sannadihii ka horeeyey waxaanay taa ku amaaneen Xukuumada Cusub ee uu hogaaminaayo Madaxweyne Axmed Maxamed axamuud (Siilaanyo) oo ay sheegeen in ay ka helaan Gacan qabasho u suurto gelisay dedaalka ay sameeyeen.

Maayeradu waxay soo jeediyeen talooyin badan oo wax ku ool ah gaar ahaana khuseeya dhinaca nabad-gelyada iyo cadaalada.

Gebegabadii Warbixintaa ka dib Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, ayaa maayerada uga mahad-celiyey talooyinka ay soo jeediyeen iyo wax-qabadkoodaba.

Waxaanu kula dardaarmay inay halkaa ka sii wadaan dedaalkooda isla markaana ay indho gaara ku hayaan nabad-gelyada iyo cadaalada oo uu sheegay inay yihiin Aas-aaska Nolosha iyo Dawladnimadaba.

Xafiiska Warqabadka Warsom.com
Boorame,S/Land.