Andarei Marela Danjiraha Dowlada Talyaniga U Fadhiya Soomaali Oo Shir Jiraa’id Ku Qabtat Muqdisho.

0
1019

Wararka Soomaaliya (Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom

Danjiraha dowlada Talyaaniga u qaabilsan Soomaaliya oo Maanta Shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu ka hadlay arrimo badan oo ay qayb ka tahay qaraxii ka dhacay Tiyaatarka Qaranka.

Danjiraha Talyaaniga u fadhiya Muqdisho Andarei Marela wuxuu shirkiisa jaraa’id ku sheegay in dowladda KMG Soomaaliya ay horay u sheegtay in ay baarayso qaraxaasi cidii ka dambaysay islamarkaana dowladda looga fadhiyo in ay jawaab ka keento baaritaankeeda iyo wixii ka soo baxa.

Andarei Mare

Danjiraha Soomaaliya ee Dalka Taliyaaniga ayaa sheegay inuu wasiirka arrimaha gudaha dowladda KMG Soomaaliya ay ka wada xaajoodeen arrimo badan oo la xiriira ammaanka Muqdisho gaar ahaan qaraxii ka dhacay Tiyaartarka Muqdisho.

“Wasiirka arrimaha gudaha waxa aan kala hadlay arrimaha ammaanka magaalada, gaar ahaan qarixii tiyaatarka, oo hadda hay’addaha ammaanka ay wadaan baaritaano, waxaan taageer sanahay dadaalka uu wado wasiirka Cabdi Samad ee ku aadan in la soo qabto cid kasta oo ka dambeysay qarixii tiyaatarka Qaranka, waxaana jeclnahay in la cadeeyo sida ay wax u jiraan, haddii xitaa ay masuuliyada lagasho hay’adda dowladda in sida ugu dhaqsiyaha badan loo cadeeyo” ayuu yiri Andarei Marela.

Andarei Marela Danjiraha Soomaaliya ee Dalka Taliyaaniga ayaa sidoo kale Shirkiisa jaraa’id waxaa uu ku sheegay in wasiirka uu kala hadlay qaabka lagu soo xulaayo odayaasha la rabo in ay ka qeyb qaataan dastuur u sameynta Soomaaliya.

“waana arrin muhiim ah, maxaa yeelay waxaa loo baahan yahay in ay ahaato mid cadaalad.arrintan waa mid aan ka walaacsanahay xiligan, xitaa fariintaas waxaan u gudbinay Danjire Mahiga oo u sheegay in ay rabaan midowga Yurub, in baarlamaanka la soo xulaayo ay ka qeyb qaataan.” Ayuu mar kale hadalkiisa raaciyey Andarei Marela.

Ugu dambayn Andarei Marela ayaa sheegay inay ka dhur sugayaan baaritaanka la xiriira sidii sharciga loo hor keeni lahaa dadkii ku lugta lahaa Qaraxii ka dhacay xarunta Murtida iyo Madaalada ee Tiyaatarka Qaranka iyadoo dowladda ay dhawaan ay magacawaday guddi baara dhacdaadaasi.

 

Wuxuu hadalkiisa ku soo gaba gabeeyey Andarei Marela in haddii baaritaan dhab ah ay ku sameyn weyso oo wax cad ay soo bandhigi weyso taas macneheedu ay tahay in aan laysku halayn Karin goobaha ay ka arrimiso ayna lumisay kalsoonidii shacabka.

Wararka Soomaaliya (Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)