Thursday, March 28, 2024
Dowladda Soomaaliya ayaan weli soo afjarin weerarkii xalay lagu qaaday hotel SYL, halkaas oo ay xalay dabley katirsan Alshabaab ay gudaha u galeen markii ay qaraxyo ku weerareen hotelka. Ciidamada dowladda ayaa weli gudaha hotelka kula dhex dagaalamaya dhowr nin oo katirsan Alshabaab, iyagoo ku guulaystay in badi raggii hotelka...
Weriye Cabdikariin Axmed Bulxan oo ahaa weriye caan ah oo muddo dheer ka howlgali jiray gobolka Galgaduud, ayaa lagu dilay degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud. Nin hubaysan oo ilaalo ka ahaa xarunta lagu quudiyo carruurta agoomaha, ayaa xabbad madaxa uga dhuftay weriyaha oo sidoo kale madax ka ahaa isla xarunta...
Soomaaliya ayaa xaqiijisay in 99% laga cafiyay deymihii ay ku lahaayeen kooxda Paris Club, taasoo ah tallaabo muhiim ah oo laga gaaray dadaallada uu dalku ku doonayo inuu dib ugu biiro nidaamka maaliyadeed ee caalamiga ah. Waddamo ay ka mid yihiin Maraykanka, Japan iyo Ruushka oo katirsan naadiga Paris Club,...
Magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxaa ka socda dagaal qaatay mudo ka badan 6 saacadood, kaasoo u dhaxeeya ciidamo kala taabacsan Hirshabeelle iyo Hiiraan State. Dagaalka ayaa bilawday Xalay abaare 11:00 habeenimo kadib markii ciidamada Hirshabeelle ay weerar ku qaadeen fariisimo Hiiraan State ku leedahay gudaha xerada Lamagalaay.   Inta la...
Taliska ciidanka Mareykanka ee Africom ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay duqeyn dhanka cirka oo ay ka fuliyeen deegaanka Ugunji oo tirsan gobolka Shabeellaha Hoose oo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab. War qoraal ah oo kasoo baxay Africom ayaa lagu sheegay in duqeynta dhanka cirka ah ay...
Hoggaamiyaha SSC Khaatumo Cabdiqaadir Aw Cali Firdhiye, ayaa sheegay in ay dacwad dambiyo dagaal ah uu ka gudbiyay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, iyo saraakiil kale. Firdhiye ayaa sheegay in ay ka shaqeeyeen in Maxkamad lasoo taago Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, Wasiirkii hore ee gaashaandhiga Cabdiqani Maxamuud Caateeye, Taliyaha...
Hay’adda tayodhowrka Soomaaliyeed ayaa maanta dekeda Muqdisho kusoo bandhigtay todobo konteenar oo bur ah oo dhacay, kaasoo la doonayay in la geeyo suuqyada si dadka looga iibiyo. Hay’addu waxay sheegtay burkaan in ganacsato Soomaaliyeed ay kasoo iibsadeen dalka Turkiga, waxayna sheegtay in bishaan march ay ku xusan tahay waqtiga uu...
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil loogu geystay wiil Soomaali ah magaalada Sheffield ee dalkaasi Ingiriiska. Wiilka Soomaaliga ah oo lagu magacaabi jiray Sacad Cali ayaa la sheegay iney geysteen dilkiisa kooxo ku hubeysnaa Tooreey, kuwaas oo marxuumka dhowr meel kaga dhuftay Tooreeyda. War kooban oo kasoo baxay Booliiska gobolka...
Ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS ee ka howlgala gobolka Hiiraan ayaa maanta isaga baxay fariisamahii ay ku lahayeen xarumaha maamulka gobolka iyo kan degmada Baledweyne. Ciidamada Jabuuti ayaa mudo aad u dheer oo ka badan 10 sano ku sugna fariisimaha ay maanta isaga guureen...
Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) iyo Qaramada Midoobay ayaa bilaabay kulamo looga wadashanayo wajiga saddexaad ee dhimista ciidanka ATMIS ee ku sugan gudaha Soomaaliya. Souef Mohamed Elamine oo ah madaxa ATMIS iyo ku xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Raisedon Zenenga, ayaa...