Friday, October 22, 2021
Jen. Maxamed Nuur Galaal oo nidaamkii Siyaad Barre noqday Taliyaha Xoogga dalka Soomaaliyeed, ayaa booqasho ku yimid magaalada Hargeysa, isla markaana kulan la yeeshay madaxweynaha Somaliland. Jen. Galaal oo waraysi siiyay TV-ga CTV, ayaa sheegay inay Hargeysa kasoo duugsatay burburkii ku dhacay,isla markaana uu muddo badan ku noolaa magaaladda Hargeysa...
Tan iyo intii go’aamadda xukumadda Somaliland ee ay  ka soo saartay qiimo jabka ku dhacay shilling Somaliland, waxa wadanka ka bilaabmay suuqa madow oo aan hore u jirin, isla markaana keentay in sarifka lacagta gaar ahaan gacanta dambe ay hawadda isku shareertay. Xukuumadda ayaa go’aamadda ay soo saartay waxa ka...
Wararka ka imanaya degmada Ceel-waaq ee gobolka Gedo aya sheegaya in halkaa uu dagaal ku dhaxmaray ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya iyo ciidamada Kenya. Ciidamo ka tirsan dowladda Kenya gaar ahaan kuwa la dagaalanka Argagixisada ayaa aroornimadii saakay la sheegay in ay ka soo talaabeen Xadka dhinaca Ceel-waaq waxeyna...
Madaxwynaha dalka Turkiga, Recap Tayyib Erdogan ayaa uga baaqay dalalka muslimiinta ah ee caalamka inay u midoobaaan dagaalka kooxaha argagixisada ah lagula jiro. “Muslim ahaan…. waxaa inoo taalla hawl muhiim ah oo ah inaan dhamaanteen u midowno dagaalka ka dhan ah kooxaha argagixisada sida; Daacish, Al-Qaacida, Boko Haram iyo Al-shabaab;...
                      Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Max’ed Islaam ayaa saaka dhagaxdhigay dhismaha xaafad cusub oo ay magaalada Kismaayo ka hirgelin doonaan ganacsato Soomaaliyeed. Bilan State waa magaca xaafadda ay ganacsatu doonayaan in ay ka dhisaan magaalada Kismaayo, ayadoo xaafaddan loo dhisi doono hab casri ah islamarkaana ay u dhameystirnaan doonaan dhammaan adeegyada...
Waxaa lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho saqdii dhexe ee xalay shir maalmihii ugu danbeeyayba u soda madaxda federaalka, maamul gobolleedyada iyo gobolka Banaadir, waxaana war-murtiyeed ka soo baxay shirka lagu xeeqay qodobo dhowr ah oo dhinayadu ku heshiiyeen. Qoddobada lagu heshiiyay ayaa waxaa ka mid ah Arrimaha Amniga Qaranka, Tubta...
Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamed, ayaa hambalyo ku-aadan 57-guuradii ka soo wareegatay, markii la aas-aasay ciidamada xoogga dalka Soomaaliya u diray ciidamada Qalabka sida. 12 April, ayaa loo dabaaldegaa munaasabada xuska ciidanka, waxaana xaflado lagu xusayo ciidanka lagu qabtaa magaallooyinka dalka Soomaaliya. “12 April oo ku began...
                        Wararka ka imaanaya magaalada Dire -Dhaba ayaa sheegaya in maalintii labaad ay albaabada u xidhan yihiin dhammaan goobaha ganacsiga, sidoo kalana waxaa cidlo ah jidadka magaalada isu socodkuna uu yaraaday. Waxaa sidoo kale suuqa ku dhex jira dhalinyaro isku magacawday Qeeroo oo ah dhalinyarada rabshadaha wada, waxayna dhagax shiidayaan tukaan...
                  Habka Doorashooyinka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya ee Sanadka 2020 Qodobka 1aad: Dhinacyada heshiiska Waxaa heshiiskan wada-gaaray Dowladda Federaalka, Iyo Dawldaha Xubnaha ka ah, iyo Maamulka gobolka Benaadir.  Qodobka 2aad: Hordhac Shirkii Golaha Amniga Qaranka ee laguqabtay Baydhabo 3-4 June, 2018ka, Markii ay tixgaliyeen kulankii Golaha Amniga Qaranka ee 6-10kii Febraayo, 2018 kaasoo lagu aasaasay Guddiga...
Munaasabad lagu caleemo-saarayay Imaamka Beesha Ajuuraan, Imaamka Caabduqaadir Maxamuud Sh. Muxumed oo ay qayb-galeen Ugaaso, Salaadiin, Garaadyo, Nabadoono, Culima’udiin, Aqoonyahano, Dhalinyaro, Haween iyo marti-sharaf kale ayaa ka dhacday Muqdisho. Munaasabada waxaa ugu horreyn ka hadlya Maxamuud Sheekh Xasan oo ka mid ahaa guddiga qaban-qaabada xafladda, isagoo ku dheeraadey Taariikhdii Imaamyadii...