Sunday, October 17, 2021
Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif & golaha odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan ayaa kulan ay ku yeesheen magaalada Beledweyne, waxaay ugu baaqeen dhinacyada ku dagaallamaya magaalada Gaalkacyo in ay xabada joojiyaan, wixii khilaaf ah u dhaxeeyana ku dhameystaan wada-hadal. Ugaas C/raxmaan ayaa ku tilmaamay dagaallada magaalada Gaalkacyo kuwa nasiib darro ah oo...
Ergayga ururka Midowga Afrika ee Somalia, danjire Francisco Caetano Jose Madeira ayaa maanta si rasmi ah xilka ula wareegay, isagoo bedeli doona wakiilkii hore ee Midowga Afrika, danjire Maman S. Sidikou. “Waxaan xilka la wareegayaa iyadoo Soomaaliya ay soo martay xaalad siyaasadeed oo aad u adag iyo iyadoo la qorsheynayo...
Qunsulka Soomaaliya ee magaaalada Jeddah, Saudi Arabia , Siyaad Maxamuud Shire ayaa shalay si rasmi ah ula wareegay howlaha shaqo ee Qunsuliyadda guud oo dhawaan loo magacaabay. Shaqo la wareegista ayaa timid kaddib markii kulan soo dhaweyn ahaa oo uu u sameeyay agaasimaha guud laanta wasaaradda arrimaha dibadda Sucuudiga ee...
Waxaa jaamacadda Boosaaso faraceeda ku yaalla gobalka Bari ka qalin-jabisay 194-arday, kuwaasoo wax ka wax bartay kuliyadaha kale duwan ee jaamcaddu bixiso. Ardayda ka qalin-jabisay jaamacada oo isgu jirtay gabdho iyo wiilal ayaa la guddoonsiiyey shahaadooyin, kaddib xaflad ballaaran oo ka dhacday hoolka shirarka ee jaamacadda. Xafladda waxaa ka qaybgalay maamulka...
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa looga dhawaaqay suuq loogu talo-galay in wax looga iibsado oo dhinaca Internet-ka kaasoo ay hir-gelintiisa ay iska-kaashadeen aqoonyahano Soomaaliyeed. Xafladda looga dhowaaqayey furitaanka suuqaan oo lagu qabtay Muqdisho ayaa waxaa ka qayb-galay xubno kala duwan oo isugu jiray, xubno iyo aqoon-yahanno ka tirsan ururka SOM-INDIA oo...
Iyadoo shalay magaalada Gaalkacyo ay heshiis ku kala sixiixdeen madaxda maamul-goboleedyada Puntland iyo Galmudug, isla markaana ay warbaahinta ka sheegeen inay xal ka gaareen dagaalladii dhacay, shacabkana ugu baaqeen in ay guryahooda ku soo laabtaan, ayaa waxaa goor-dhow ka qarxay dagaal xooggan oo u dhexeeya maamulladii horay ugu dagaallamay...
Ciidamada dalka Cameron ayaa si awood ah kaga soo furtay kooxda Boko Haram ee Nigeria, kaddib howlgal ay ku dileen in ka badan 100-xubnood oo kooxdan Islaamiyiinta ah ka tirsan, sida ay shalay oo Arbaco ahayd shaacisay wasaaradda gaashaandhigga waddanka Cameroon. Howlgalkan oo ka dhacay deegaan ku yaalla waqooyiga Cameroon,...
Wararka laga helayo gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in xalay fiidkii cirka laga duqeeyay deegaanka Kuunyo-baroow oo 90-km Koonfur-galbeed kaga beegan degmada degmada Baraawe ee gobolka shabeellaha hoose. Goobjoogayaal ku sugan deegaanka ayaa sheegaya inay maqleen illaa saddex gantaal oo culus, kuwaasoo ku dhacay duleedka deegaanka Kuunya-baroow oo dhinaca waddada...
Magaalada Durban ee dalka Koonfur Afrika ayaa waxa lagu soo gaba-gabeeyay shir caalami ah oo looga hadlayay horumarinta Beeraha Adduunka, shirkaasoo ay soo qaban-qaabisay hay'adda horumarinta wax-soo-saarka beeraha adduunka ee loo yaqaan GFIA ama Global Forum for Innovations in Agriculture. Shirkan waxaa kasoo qayb-galay mas’uuliyiin iyo hoggaamiyayaal ka socday caalamka,...
Xildhibaan Sadiiq Cabdikariin Maxamed oo ka mid ahaa xildhibaanada baarlamanka federaalka Somalia ayaa saaka ku geeriyooday magaalada Muqdisho, iyadoo madaxweynaha Somalia uu ka hadlay geerida xildhibaankan. Marxuumka ayaa la sheegay inuu muddo xanuunsanaa uuna u dhintay maanta xanuunkaas, waxaana geeridiisa u xaqiijiyay saxaafadda mudane Maxamed Cumar oo ah hab-dhowraha...