Xildhibaanada Cusub ee Jubaland oo Doortay Gudoonka Golaha Wakiilada Hoggaamin doona Sanadaha Soo Socda.

0
280

Waxaa maanta oo Khamiis ah lagu wadaa in magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ka qabsoonto doorashada guddoonka cusub ee golaha Wakiiladda Baarlamaanka Jubbaland.

Qaban qaabadii ugu dambeysay ee doorashada guddoonka cusub ee golaha Wakiilada Jubbaland ayaa si weyn looga dhex dareemaya gudaha magaaladaas oo maanta amaankeeda si aad ah loo adkeeyay.

Musharaxiinta u tartameysa xilkaan guddoonka golaha Wakiiladda Jubbaland ayaa Shalay la diiwaan galiyay.

Xildhibaanada cusub ee maamulka Jubbaland ayaa ka kooban 75 xubnood, kuwaas oo la sheegay iney soo xuleen odayaasha dhaqanka ee beelaha Jubbaland, waxaana guddoomiye ku meel gaar ah u ah Sheekh Cabdi Yuusuf Cali.

Doorashada guddoonka golaha Wakiiladda Jubbaland ee maanta ka dhaceysa Kismaayo ayaa waxaa xigi doonta mida madaxtooyada Jubaland oo la qaban doono  25-ka bishaan Novermber.

Dhaqdhaqaaqyada doorasho ee haatan ka socda Jubbaland waxaa diidan dowladda fedaraalka oo sheegtay in aanay aqbali doonin natiijada kasta oo kasoo baxda doorashooyinka Jubbaland oo ay tilmaamtay in Axmed Madoobe uu doonayo inuu mar kale dib isku soo doorto.