Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo Sheegay in ay u Socdaan Badbaado Qaran 2 Xasan Sheekhna Muddo Kororsi.

0
213

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo kamid ah mudanayaasha Golaha shacabka Soomaaliya ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud uu qorsheenayo muddo kororsi 2sano, hadii ay sidaan wax kusii socdaana ay aadi doonaan Mirinaayo iyo Badbaado Qaran 2.

Jeesow oo wareysi siinayay Somali Cable  Tv  ayaa sheegay in bisha June 2025 aan lagu qaban karin doorashooyinka gobolada ee Qof iyo Cod oo ay Dowladda Dooneyso inay Dowlad Goboleedyada ka qabato si Hogaanka maamuladaasi loosoo doorto.

Qodobadii kasoo baxay Shirka madasha ayaa muddo kordhin 1sano ah loogu sameeyay Dowlad Goboleedyada Koofur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabeelle, inkasto bilowga Shirkaan ay ku jirtay Jubaland balse goor dambe ay isaga baxdayna ay ku dhawaaqeen inay doorasho iskood ah ay qabsanayaan.

Daahir Amiin Jeesow ayaa uga digay Madaxweyne Xasan inuu dalka u horseedo colaad hor leh si arimahaasi looga fogaadanaya wali lahaysto in laga fakaro doorasho aan ahayn mid Qof iyo Cod ah.