Ciidamada Kenya ayaa weerar ku qaaday labo ka mid ah Xeryaha Cooshadaha ka sameysan ee Al-Shabaab ee kuyaalla xuduudka Kenya iyo Soomaaliya.
Kenya ayaa sheegtay in xeryahan ay ahaayeen goobo la doonayay in lagu weeraro laguna carqaladeeyo isu socodka gaadiidka dadweynaha iyo kuwa ganacsiga ee ka socda waddooyinka waaweyn ee isku xira magaalooyinka Gaarisa iyo Lamu.
“Maleeshiyada Al-Shabaab oo u adkeysan weyday weerarka ayaa isaga cararay xerooyinka, iyagoo kaga tagay walxaha qarxa, furayaal, bambooyinka dhulka lagu aaso, rasaas, qalab isgaarsiin iyo noocyo kala duwan oo ah rasaasta gantaallada gacanta lagu qabto,” ayaa lagu yiri war kasoo baxay Kenya.
Laamaha amniga ayaa uga mahadceliyay bulshada deegaanka taageerada joogtada ah ee ay ku bixinayaan soo gudbinta xogta Alshabaab.