SSC-Khaatumo oo Puntland ku Eedeysay Faragelin Dhanka Deegaanada Maamulka SSC Ka Taliso.

0
237

Maamulka SSC Khaatumo ayaa ku eedeeyay maamulka Puntland inuu faragelin ku hayo madax-bannaanida deegaannadooda, taasoo ay sheegeen inay wiiqayso xiriirka labada dhinac.

Wasiirka Qorsheynta SSC-Khaatumo, Axmed Diiriye, ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay ku sheegay in Wasiirka Qorsheynta Puntland, Daa’uud Bisinle, uu ka shaqeynayo iska hor imaad u dhexeeya labada maamul.

Wasiirka ayaa tilmaamay in hay’ado laga soo diray Garowe loo sheegay inay mashaariic ka fuliyaan deegaannada SSC-Khaatumo iyadoo aan wax wada tashi ah lagala samayn maamulka SSC-Khaatumo.

“Waxaan tallaabo cad ka qaadi doonnaa hay’ad kasta oo aan soo marin nidaamkeena, hadii ay isku dayaan inay mashaariic ka fuliyaan deegaannada SSC-Khaatumo,” ayuu yiri Wasiir Axmed Diiriye.

Wasiirka ayaa sidoo kale eedeeyay siyaasiyiin kasoo jeeda SSC ee xilalka ka haya Puntland, isagoo ku tilmaamay inay hormuud u yihiin waxa uu ugu yeeray “hagardaamada” loo geysanayo maamulka SSC-Khaatumo.