Natiijada Doorashadii Somaliland oo Maxkamadda Sare ku Dhawaaqdey Guusha Cabdiraxmaan Cirro.

0
214

 Maxkamada Sare ee Somaliland ayaa ku dhawaaqday in natiijada ay guddida doorashooyinku kasoo saareen doorashadii madaxtooyada ee dhacday 13 November ay ansaxtahay.

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay maxkamada isla markaana uu warbaahinta u akhriyay Guddoomiye Aadan Xaaji Cali, waxay maxkamadu meelmarisay natiijadii doorashada madaxtooyada.

“Waxay ansixisay in doorashada Madaxweynaha uu ku guulaystay Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cigaal, halka Ku-xigeenka Madaxweyne uu ku guulaystay Mudane Maxamed Cali Cabdi Maxamuud oo labaduba ka sharaxnaa Xisbiga Waddani” ayaa lagu yidhi qoraalka maxkamada.

Maxkamadu waxa ay sheegay in anay wax cabasho ahi ka iman dhinacyadii doorashada ku tartamay sidaa darteedna ay waafaqday natiijadii hordhaca ahayd ee ay soo saareen Koomiishanka Doorashooyinka Somaliland.

Doorashada oo ahayd tii ugu daganayd ee Somaliland ka dhacda, ayaa lagaga guulaystay xisbiga Kulmiye oo muddo 15 sanno ku dhaw ka talinayay Somaliland, iyada oo Madaxweyne Biixi iyo xisbigiisuba ay u hambalyeeyeen xisbiga Waddani oo ay guushu raacday.