Golaha Wadatashiga Qaran ayaa isku raacay in Doorashooyinka madaxda dowlad goboleedyada la qabto Sebtembar 2025, taasoo ka dhigan in muddo sanad ah loo kordhiyay muddo xileedkooda.
Waxaa go’aankaan la gaaray iyadoo ay madasha ka maqan yihiin Puntland iyo Jubbaland, kuwaas oo horey uga horyimid qorshahaan muddo kororsiga dowlad goboleedyada.
Qodobadan ayaa qeyb ka ahaa nuxurka war murtiyeed kasoo baxay shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo uu shir guddoominayay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kaasoo maanta lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho.
Golaha Wadatashiga ayaa sidoo kale bisha June 2025, iyagoo sheegay inay diyaar u yihiin wada xaajood iyo wada hadal lala galo xubnaha ka maqan madasha si ay uga qaybgalaan doodaha la doonayo in lagu xallinayo kala duwanaanshaha ra’yiga.