Qormada” Hawlgalkii Xerada Dab demiska iyo Xuquuqda Muwaadinka oo Meel Looga Dhacey.

0
69

Qaabka Loola Dhaqmey Dadkii Degenaa Xeradii Dabdemiska Waa Mid Meesha Ka Saaraya Wadaniyad,Xoriyad,wadajir iyo Soomaalino waana inta Qofka Soomaaliga ahi Shinsado ama ku Taamo dadka u bareeray ama ku kacey Falkaas isagoo xeerin inta aan soo sheegnay waa xaqiiq in uu dhadhamin doono miraha iyo macaanka ka soo baxa mar ay noqotaba Adduun ama Aakhiro.

Mar aan aragtida dadka qaar weydiiyey sida ay u arkaan ficiladan ayaa ku jawaabey anigu maanta waxaa maankeyga iyo indhaheygu kulansadeen ficilo aan warbaahinta ka arki jirey taas oo yuhuudu kula kacdo dadka falastiiniyiinta ah sida dil,burburin,xirxirid iyo gabood fal dhamaantiis kuwaas oo Xadgudub ku ah Xuquuqda muwaadinka taas oo kale ayaa Maanta halkan ka dhacdey ayuu yiri mid kamid ahaa goobjoogayaashii ku sugnaa xeradii Dabdemiska oo ciidamada dawladda federalku burburiyeen guryo,Dukaano,farmshiyeyaal iyo hanti badan oo dhextaaley goobta la burburiyey iyadoon dadkii lahaa shey kala bixin.

Mid kale ayaa ku Tiraabey oo Maxey aheyd xoriyaddii iyo madaxbanaanidii shaley loo dabaal degayey hadiiba kii ila dhashey sidaan ii gelayo,miyaaney dadkaani xaq u laheyn in dawladu la Dacwido ama amar maxkamadeed loola yimaado kaas oo faraya dadka in ay dadkaasi mudo cayiman uga guuraan goobtaas dawladana ku wargeliya in la maareeyo baahida deegaan Dadka ee halkaas ku sugan.

Maya ma jiro garsoor madaxbanaan oo dawlada iyo shacabka wax kala dhihi kara,ma jiro Barlamaan u hadli kara xuquuqda muwaadinka iyo dadka uu metelo,ma jirto xukuumad ilaalineysa xuquuqda shacabka ay shaqaalaha u tahey waxaana maanta dalkan lagu tilmaami karaa mid kusii dhacaya shirqool in muddo ah lala damacsanaa,dal taladiisu ku koobantahey shaqsi iyo shaqsiyaad aan cidna la xisaabtamin ficilada ay ka fulinayaan gudaha iyo debedda dalka.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh mar kasta oo ficillo argagax leh laga fulinayo magaalada Muqdisho ha ahaato Qubuuro la faago,ama burburin iyo barakicin dad shacab ah dalka wuu ka dhoofaa sidii in uu ka dhuuman karo falalka dhaca oo isagu raaliga ka yahey amarkana uu isagu bixiyey.

Gunaanadkii waxaan Madaxweyne Xasan Sheekh kula talinayaa in uu ka soo laabto wadada keli talisnimo ee uu ku Socdo oo alle uga baqo dhaartii uu alle magaciis ugu dhaartey oo aheyd in uu ka shaqeynayo danta Dalka,Dadka iyo Diintooda.

Dhegeystaa Codka Shacabka,fariistaa gogol wada tashi iyo isfahamka soomaalida dhexdeeda ah,uusan isbidin awood uu isticmaalo shacabka iyo dadka danyarta ah si ay u badbaado wadajirka iyo qaranimada aan sheeganeyno.

Hadii taas la waayo oo ay sidan ku socoto Maxaa dhici kara?

1 Burbur hor leh iyo dib u dhac Dalka ku yimaada..

2 Colaad iyo kala fogaansho bulshada dhexdeeda ah iyo in aan leys Aaminin.

3 Dagaalo Sokeeye oo dalka dib uga curta bilowgeediina hada la arkayo sida dagaal beeleedyada ka socda inta badan Gobolada Dalka.

4 Khawaarijta oo dib u Xoogeysata iyagoo ka faa’iideysanaya Dagaalada Ahliga ah ee beelaha dhexdooda ah.

5 Taariikh Madow oo Qormadeedu Duugoobi Doonin oo meel ku Qoranta.