Madaxweyne Xasan Sheekh oo ugu baaqay Israa’iil in ay bedesho istiraatijiyaddeeda dhulka falastiiniyiinta.

0
1356

Xasan Sheekh wuxuu sheegay in xaaladda hadda jirta ay tahay mid aan la aqbali Karin.

Hadalka madaxweynaha Soomaaliya oo qeyb ka ahaa wareysi uu siiyay warbaahinta Aljazeera, ayaa kusoo aaday, iyadoo warbaahinta lagu qoray in wasiirka arrimaha dibadda ee Israaiil Eli Cohen uu ka shaqeynayo sidii uu caadi u noqon lahaa xiriirka kala dhexeeya Mauritania, Soomaaliya, Niger. iyo Indonesia.

Israel iyo Soomaaliya waligood ma wadaagaan xiriir diblumaasiyadeed, balse sanadkii la soo dhaafay, ayaa waxaa soo baxay warar sheegaya in Madaxweynaha  Xasan Sheekh Maxamud uu daneynayo xiriirka Israel.