Qaar kamid ah Saraakiisha Amisom iyo Booliska Soomaaliya oo kormeeray Goobo Loogu Tala Galey Doorashada Gedo.

0
512

Wafdi katirsan booliiska dowladda federalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa kormeer ku tagay magaalada Garbahaareey ee gobolka Gedo oo kamid ah magaalooyinka lagu qabanayo doorashooyinka aqalka hoose.

Wafdigaan ayaa kormeeray goobaha doorashada lagu qabanayo, iyagoo qiimaynayay xaaladda guud ee amniga Garbahaareey, waxayna kulamo la qaateen saraakiisha amniga gobolka Gedo.

Gaashanle Sare Warfaa Sheikh Aadan Faroole oo ah taliyaha Guutada 10aad Qaybta 43aad ee ciidamada xoogga ee gobalka Gedo, ayaa sheegay in Garbahaareey ay diyaar garow ugu jirto marti galinta doorashada golaha shacabka Soomaaliya.

Warfaa Sheikh Aadan Faroole wuxuu sheegay in ammaanka gobolka Gedo uu yahay mid aad u wanaagsan oo suurto galin kara in lagu qabto doorasho nabdoon oo heshiis lagu yahay.

Dhawaan dowladda Soomaaliya ayaa magaalada Garbahaareey geynaysa ciidamo ka kala tirsan AMISOM iyo kuwa qaranka Soomaaliya, waxayna sugi doonaan amniga doorashada.

  1.