Murashaxiinta u Tartamaya Aqqalka Sare oo Barlamaanka Hirshabeele Khudbado Kasoo Jeediyey.

0
251

Waxaa si rasmi ah magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe uga bilaawday Khudbadaha ay jeedinayaan Musharaxiinta u tartamaya kuraasta Baarlamaanka Aqalka sare ee Soomaaliya oo ay deegaan doorashadooda tahay Hirshabeelle.

Goobta ay ka socoto hadal jeedinta Musharaxiinta waxaa ku sugan masuuliyiin ka tirsan maamulka Hirshabeelle iyo xubno ka kala tirsan guddiga doorashada  heer Fedaraal iyo heer dowlad goboleed.

27 Musharax ayaa si rasmi ah isku diiwaan gelisay oo shan ka mid ah yihiin haween, kuwaas oo ku tartamaya 8 kursi oo ka mid ah kuraasta Aqalka sare, waxaana kuraasta qaar ku tartamaya halkii kursiba ilaa 5 musharax.

Guddiga doorashada dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa sheegeen in Musharaxiinta ku tartameysa kuraasta Aqalka sare loo soo xulay si cadaalad ku dheehan tahay, islamarkaana ay ku wada tartami doonaan si cadaalad ah.

Maamulka Hirshabeelle ayaa ahaa maamulka kaliya ee aanan wali qabanin doorashada kuraasta Aqalka sare ee deegaan doorashadoodu tahay Hirshabeelle xili maamulada qaar ay dhameystireen doorashada kuraastaasi,  sida Puntland iyo Koofur Galbeed.

  1.