Dardar Gelinta Hawlaha Amniga Doorashooyinka Soomaaliya oo Saraakiisha Amisom kulan ka Yeesheen.

0
422

Taliyayaasha militariga ee Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa isku raacay in la dardargeliyo dhaqangelinta howlgallada wadajirka ah ee ay la leeyihiin Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (SNA), si kor loogu qaado amniga doorashada iyo u diyaar garowga howlgalka AMISOM ee 2021.

Kulan labo maalmood ah oo ka dhacay Muqdisho toddobaadkan, ayay taliyayaashu waxay ku qiimeeyeen horumarka ilaa hadda laga gaaray Hawlgallada AMISOM, Qorshaha Kala-guurka Soomaaliya iyo hirgelinta Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee 2568 (2021).

Natiijada ka soo baxday kulankan waxay taliyayaasha AMISOM la wadaagi doonaan shirka soo socda kaas oo ay la yeelan doonnaan saraakiisha ciidamada amniga dowladda Soomaaliya iyo saaxiibbada Soomaaliya ee caalamiga ah.

“Si kasta oo ay tahay howlgalka 2021-ka kadib, waxaa lama huraan u ah dhammaan ciidamadeenna qeybahooda kala duwan inay xoojiyaan awoodda howlgalladooda”ayuu yiri Taliyaha Ciidanka AMISOM, Lt. Gen. Diomede Ndegeya.

Taliye ku xigeenka ciidanka AMISOM ee qaabilsan howlgallada iyo qorshayaasha, Maj. Gen. William Kitsao Shume, ayaa u sheegay taliyeyaasha in inkastoo caqabado jiraan, haddana horumar weyn laga sameeyay dagaalka Alshabaab.

  1.