Xoghayaha Arrimaha Difaaca Dalka Kenya iyo Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan oo Kawada Hadley Arrimo Amni.

0
349

Xoghayaha arrimaha difaaca dalka Kenya, Monica Juma iyo wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan, ayaa ku kulmay magaalada Nairobi, halkaas oo ay uga wada hadleen xaaladda amni ee geeska Afrika gaar ahaan Soomaaliya.

Monica Juma ayaa qoraal kooban oo ay soo dhigtay barteeda twitterka waxay ku sheegtay in ay James Swan is dhaafsadeen xaaladdaha amni ee Geeska Afrika iyo qaababka loo xoojin karo iskaashiga amniga gobolka.

Danjiraha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan ayaa maalmihii ugu dambeeyay socdaalo ku marayay dalalka arrimaha Soomaaliya saameyn ku leh, sida kuwa Carabta, wuxuuna kala hadlayay arrimo quseeya Soomaaliya.

Kulankii ugu dambeeyay, wuxuu ergaygu kula kulmay Sheikh Shakhboot Nahyan Al Nahyan, Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga dalka Isutagga Imaaraatka Carabta ee Abu Dhabi, isagoo kala hadlay arrimo ku saabsan horumarka Soomaaliya iyo gobolka.

Waxaa kulankaas kasii horeeyay kulan uu la qaatay Ergeygu, Wasiiru Dowlaha Arrimaha Afrika ee boqortooyada Sacuudiga, Ahmed Bin Abdul Aziz Kattan, wuxuuna la yeeshay xog isdhaafsi ku saabsan isbedelada ka socda Soomaaliya iyo gobolka.

  1.