Magaalada Muqdisho oo Lagu Soo Dhaweeyey Wasiirka Gaashaandhiga Dalka Ireland.

0
744

Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, Xasan Xuseen Xaaji oo uu wehliyo wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaq, ayaa qaabilay dhiggiisa Ireland Simon Coveney, oo booqasho rasmi ah ku yimid Muqdisho.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud oo si kooban ula hadlay warbaahinta, ayaa sheegay in ay wasiirka gaashaandhigga iyo arrimaha dibadda Ireland, la yeelan doonanaan kulamo gooni gooni ah oo la xiriira xoojinta iskaashiga ka dhaxeeya labada dal.
Simon Coveney, ayaa labadii maalmood ee ugu dambeysay ku sugnaa dalka Kenya, hadalkaas oo ku daaafuray iskaashi loogu talagalay kordhinta tirada haweenka ee kaqeyb galaya ganacsiga gudaha beeraha Kenya, waxaa uu la kulmay masuuliyiin katirsan dowladda Kenya.
Dhawaan dalka Ireland ayaa dalal ay Soomaaliya kamid tahay ka saaray liiska karantiilka qasabka ah, waxayna kala yihiin: Afghanistan, Angola, Bahrain, Burundi, Cape Verde, Costa Rica, Dominican Republic, Ecuador, Egypt, Eritrea, Ethiopia, French Guiana, Guyana, Haiti, Kenya, Kyrgyzstan, Lesotho , Malawi, Maldives, Mongolia, Nepal, Oman, Panama, Philippines, Qatar, Rwanda, Somalia, Sri Lanka, Sudan, Tanzania, Turkey, UAE, Venezuela iyo Zambia.
  1.