Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin oo Sheegay in ay Adduunyada Waraaqo ukala Direen.

0
488
Wasiirka wasaarada arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa sheegay in Somaliland ay waraaqo u dirtay caalamka si loo iib geeyo doorashooyinkii qabsoomay.
Wasiirka ayaa sheegay in doorashooyinkii Somaliland ka dhacay uu caalamku aad u amaanay sida darteedna caalamka laga iibin doono.

“Warbixin ay dowladaha Yurub oo dhami doorashada kasoo saareen, aad iyo aad ayay u amaaneen” ayuu yidhi wasiirku.

“Dowladaha gobolkan oo qaar kood doorasho ka qabsoomi doonto waxa lagu yidhi “waa in aad qabataaan doorashooyinki Somaliland oo kale”.

“Dowladu hada waraaqo ayay uwada qortay dhamaan hay’adaha caalamiga ah, sida Qaramada midoobay, Jamacada carabta, Midowga Africa iyo Igad” ayuu hadalkiisa ku daray wasiirku.

Dhamaan goobjoogayaashi kormeerayay doorashooyinkii Somaliland, ayaa aad u amanay nidaamkii ay u dheceen doorashooyinkii deegaanka iyo wakiiladu ee Somaliland.

  1.