Dharbaaxo Ku Dhacdey M/weyne Awood is Bidi jiray oo Amnigiisa Shaki Laga Muujiyey.

0
394

Madaxweynaha dalka Faransiiska Emmanuel Macron ayaa goob fagaare ah lagu dharbaaxay xili uu safar ku marayay deegaano ku yaala Koofur bari dalkaasi oo uu ku guda jiray booqasho maalintiisa labaad aheyd uu ku marayo dalkiisa.

Baraha bulshada iyo talefishinka BFM ayaa lagu faafiyay muqaalo muujinaayay madaxweyne Macron oo isaga oo faraxsan oo kusoo dhawaanaya goob fagaare ah oo aay ku sugnaayeen dadweyne fara badan isagoona doonayay inuu salaamo ayaa waxaa uu hadlkaasi kala kulmay markuu mid ka mid ah dadkii uu salaanta u taagay in dharbaaxo loogu badalo salaanta.

Ilaaladii madaxweyne Macron ayaa isla markiiba soo fara galiyay dhacdada lagu dharbaaxay Macron waxayna xireen laba ruux, sida aay sheegeen sarakiisha deegaanka lagu dharbaaxay madaxweynaha Faransiiska.

Falkan sida aadka ah loo hadal haayo ayaa ka dhacay xaafada Tain-l Hermitage ee gobolka Drome taaso lagu sheegay iney tahay dayac amni, waxayna shaki weyn galisay sii socoshada safarka uu madaxweyne Macron ku mari lahaa dalka oo dhan.

  1.