Qarax Khasaare Gaystey oo Caawa Fiidkii Ka Dhacey Magaalada Muqdisho Saldhigga Degmada Waaberi.

0
392

Qarax oo ahaa mid aad u xoogan oo jugtiisa laga maqlay inta badan degmooyinka gobolka Banaadir ayaa goordhaw ka dhacay Saldhiga degmada Waaberi ee magalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa la sheegaya inuu dhacay iyadoo mashquul aad u fara badan uu ka jiray wadada hormarta Saldhiga Waaberi oo u dhaw isgoyska Dabka halkaasoo gaadiid badan aay jaam ku ahayeen xiliga uu qaraxa dhacayay.

Wararka hordhaca ee aan ka heleyno qaraxa ayaa sheegaya inuu jiro khasaare kala duwan oo dhimsho iyo dhaawacba leh oo uu sababay qaraxa inkastoo aanan si rasmi ah loo ogaan karin khasaaraha dhabta ah iyo nooca uu ahaa qaraxa ka dhacay Saldhiga degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho.

  1.