Qarax Qof Ismiidaamiye ah uu ka Geystey Meel Maqaaxi ah oo Caawa Ka Dhacey Degmada Shangaani ee G/banaadir.

0
350

Faah faahinno ayaa ka soo baxaya qarax ismiidaamin ah oo goor dhaw ka dhacay magaalada Muqdisho.

Wararku waxaa ay sheegayaan in qaraxan uu fuliyay qof naftiihure ah uu ka dhacay goob maqaaxi ah  oo aan ka fogeyn saldhigga degmada Shangaani,

Maqaaxida ayaa lagu waramayaa in xiligan uu qaraxu ka dhacayay ay ku shaaheynayeen dad shacab ah, sida ay warbaahinta u sheegeen dad goota ka agdhawaa

Wararku waxaa ay sheegayaan in uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawcba leh, hasse ahaatee,Taliska Booliiska ayaa xaqiijiyay in qaraxa Caawa aay ku dhinteen dad gaaraya 6 ruux oo afar ka mid ah dhalinyaro ahayeen iyo wiil Saqiir ah iyo waliba ruuxii is qarxiyay, waxaana ku dhaawacmay afar qof oo la geeyay goobaha Caafimaadka.

“Caawa abaare 19:00 fiidnimo ayaa naftii halige isku qarxiyay goob shaaha laga cabo oo dhaliyarada isugu timaado, qasaaraha qaraxa ayaa ah 6 dhimasho, 4 dhalinyaro ah hal wiil oo saqiir ah iyo naftii haligihii, iyo dhaawaca 4 kale oo shacab ahaa, oo aan waxba galabsan ayay argagixisadu weerartay” ayaa lagu yiri qoraalka Booliiska Soomaaliya kasoo baxay.

Goobta qaraxa ka dhacay waxaa gaaray ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya kuwaas oo xiray aaga uu ka dhacay qaraxii Caawa gilgilay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho .

  1.