Dowladda Soomaaliya ayaa maanta shaacisay in dib loo furay qaadashada Baasaboorka Soomaaliga oo horay loo joojiyay sababo la xariiray cudurka COVID-19.
War kasoo baxay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya lagu sheegay in maalinta Axadda ah ee tariikhdu tahay 4 abriil uu dib u bilaaban doono adeegga bixinta Baasaboorka Soomaaliga ah, iyada oo la ilaalinaayo tallaabooyinka looga hortagaayo faafista cudurka COVID-19.
Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegtay in la dhimay tirada dadka maalintii imaan jiray xarunta si aay u qaataan Baasaboorka sababo la xariira ka hortaga cudurka COVID-19.
