Mudada Joogitaanka Ciidamada Amisom ee Gudaha Soomaaliya oo La Kordhiyey.

0
673

Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay ayaa u codeeyay Khamiistii in loo cusbooneysiiyo howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya AMISOM, oo ah ciidan nabad ilaalin ah oo markii ugu horeysay la geeyay dalka Soomaaliya. 2007.

Sida lagu sheegay war ka soo baxay UK xarunta Qaramada Midoobay, dhammaan xubnaha UN-ka waxaa ay si aqlabiyad leh ku ansixiyeen in waqtiga loo kordhiyo howlgalka AMISOM ee Soomaaliya.

Howlgalka Midowga Afrika ee UN-ku taageero ee ku sugan Soomaaliya wuxuu ka shaqeynayaa sidii loo dhisi lahaa awoodda ay Soomaaliya u leedahay nabadeeda iyo horumarkeeda ayaa lagu  yiri Bayaan.

AMISOM waa hawlgal taageero oo nabadeed iyadoo ku dhowaad 20,000 oo ciidammo ah ay ka joogaan Soomaaliya kuwaa oo ka kala socda  Kenya Itoobiya, Uganda, Burundi iyo Jabuuti.

Zambia, Uganda, Ghana, Kenya, Nigeria iyo Sierra Leone ayaa ah lixda waddan ee booliska ku deeqay.

AMISOM ayaa ku sugan Soomaaliya iyagoo taageero siineysa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo la dagaalanka kooxd Al-shabaab tan iyo Janaayo 19, 2007.