Madaxda Isbaheysiga Xisbiyada Siyaasadda Soomaaliya oo Ka Digey Bannaanbaxa ay ku Baaqeen Qaar kamid ah Murashaxiinta.

0
364

Kulan Muqdisho Ka Dhacey oo ay Isugu yimaadeen Madaxda Isbaheysiga Xisbiyada Siyaasadda Ayaa waxaa Laga Soo Saarey Warsaxaafadeed u Qornaa Sidatan:-

Mxss.001/02/21                                                                                  Tr: 17/2/2021

 

War saxaafadeed- Shirka Gogolxaarka Baydhabo.

 

. Kulan ay Isugu Yimaadeen Xisbiyada Siyaasadda Dalka ee Magacayadoodu Hoos ku Qoranyihiin ayaa Aragtidooda iyo Xaaladda Dalka Kaga aadan ka Hadley, Waxeyna Falaqeyn Kadib Isla Garteen Qodobadan:–

 

  1. Mudaharaad Nabadeed Waa Xuquuq Dastuuri ah Muwaadin kastaana Xaq U Leeyahey Hadana Waa In Masuuliyad Leyska Saaro Wixii Ka Dhalan Kara Shacab Goob keliya Isugu Yimid Marxaladan Lagu Jiro.

 

 

  1. Sida Lala Socdo Dalka waxaa Ka Socda Wada Hadalo Looga Gol Leeyahey In Isfaham Laga Gaaro arrimaha Doorashooyinka,Sidaas Darteed Waxaan Soo Jeedineynaa In La joojiyo Bannaanbaxa ay ku Baaqeen Masuuliyiin Sheegay In ay Xilka M/weynaha u Taaganyihiin Arrimaha Soo Socda Awgood, A) Xanuunka Covid-19 oo Si daran looga Dareemayo Saameyntiisa Gudaha Magaalada Muqdisho iyo Guud ahaan Dalka,B) Xaqiijinta Amniga Shacab Meel isug Yimid oo ay Dhibaato ka Dhalan karto Hawl maalmeedkooda Sida Ka Baaqashada Raadinta Quutul Daruuriga Muwaadiniin Dhaqaalo ahaan Tabar Daran,iwm.

 

 

  1. Dhanka Kale Madaxda Axzaabta Siyaasaddu Waxey Ugu Baaqayaan Dawladda Federalka iyo M/goboleedyada In ay Mugdiga Ka Saaraan Qabsoomidda,Doorasho Dalka Si Dhaqso ah,Uga Dhacda Si Looga Baxo Shakiga iyo Rajo beelka Jira.

 

  1. Madaxda Xisbiyadu Waxey Ugu Baaqayaan Dhamaan Madaxda Soomaalidu In ay Yeeshaan Samir,Isu Tanaaasul iyo Isfaham Dhexdooda ah,Danta Guud ee Dalka iyo Dadkana Abbaaraan,Si Looga Hortago Dib u Dhac Markale Nagu Yimaada.

 

  1. Ugu Danbeyntii Waxey Axzaabta Siyaasadda Dalku Soo Dhaweynayaan Shirka Gogol Xaarka Baydhabo Uga Socda Xubno Ka Kala Socda Dawladda Federalka,Maamul Goboleedyada,Iyo Gobolka Banaadir Kuwaas oo Aan Rajeyneyno In Guulo Kama Danbeys ah iyo Isfaham uu Kasoo Baxo,Kuwaas oo ay ku Qancaan Madaxda Maamulada ay ka kala Socdaan.

 

Wabillaahi Towfiiq