Dagaalka Beledxaawo oo Dawladda Kenya Ka Hadashey iyo Xaaladdu Sida ay Hadda Tahey.

0
577

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay walaac ka qabto dagaalka ka soo cusboonaaday degmada Beled-Xaawo oo sida ay sheegtay Kenya wax aan badneyn u jirta xudduuda ay wadaagaan Soomaaliya.

Qoraal ka soo baxay Wasaarradda Arrimaha dibada Kenya ayaa lagu sheegay in dagaalkan uu sababay barakaca dad badan oo rayid ah, kuwaa oo laga yaabo in ay intooda badan ku biiraan qaxootiga Soomaalida ee ku nool dalka Kenya.

Dagaalkan ayeey sheegtay dowladda Kenya haddii uu sii socdo in uu xumeyn doono guud ahaanba nabad-galyada isaga oo dhinaca kalana carqalad ku noqonaya dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada.

Dhinaca kale Kenya ayaa sheegtay in dagaalka uu yahay mid u dhaxeeya ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Jubbaland, waxaana muuqata in Kenya ay dhinac isaga riixeyso eedeynta ah in dagaalka ay ku lug lahaayeen ciidanka Kenya.

Warkan ka soo baxay Wasaarradda Arrimaha dibada  Kenya ayaa imanaya xili dowladda Soomaaliya ku eedeysay Kenya in ay ka danbeysay dagaalkii cuslaa ee maanta ka dhacay degmada Beled-Xaawo, islamarkaana soo hubeysan maleeshiyaadkii weerarka soo qaaday waa sida ay hadalka u dhigtay dowladda Soomaaliya.

Hoos ka akhriso Qoraalka ka soo baxay Wasaarradda Arrimaha dibada Kenya