Ganacsatada Jaadka ee Kenya oo Sheegay In ay Digniin Ka Heleen Dawladda Soomaaliya.

0
525
 Urur ay ku midaysan yihiin ganacsatada Qaadka ee dalka Kenya, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay siisay ogeysiis sedex maalmood ah ganacsatada Kenyaanka ah ee sida dhuumaaleysiga ah qaadka uga soo daabula magaalada Mandheera, si loosoo galiyo Soomaaliya.

Guddoomiyaha Ururkaas Miraa Kimathi Munjuri ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya  ay sidoo kale xoojisay amniga xeebaheeda si ay u joojiso qaadka Kenya ee dalka ka soo galaya dhinaca badda.Wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya tallaabadaan uga golleedahay sidii fursad loo siin lahaa Qaadka Ethiopia oo dhawaan markii ugu horeysay laga dajiyay magaalada Muqdisho, oo horey u ahayd suuq u gaar ah Qaadka Kenya.

Mr Munjuri wuxuu ka codsaday dowlada Kenya inay Soomaaliya la gasho wadahadal diblomaasiyadeed si looga hortago inay lumiyaan waxay ugu yeereen suuqa qiimaha badan ee Soomaaliya.

“Haddii macaamiisha Soomaalida loo oggolaado qaadka Itoobiya, waxaan waayi karnaa suuqa oo idil. In ka badan 50 doonyood ayaa la geeyay badda si ay nooga joojiso isticmaalka badda. Maxay dowladeenu ugu ogolaatay Itoobiya inay naga dheereeyaso? ” ayuu yiri Mr Munjuri oo sheegay inay ka warqabaan in 30 tan oo qaadka Itoobiya ah la geeyay Muqdisho.