Deegaano Hoostaga G/galguduud oo ay Ku Dagaalameen Ciidamada Dawladda iyo Al-shabaab.

0
241

Wararka naga soo gaaraya gobolka Galguduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegay in dagaal culus deegaanno hoostaga gobolka uu ku dhaxmaray ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo kuwa xoogagga Ururka Al-shabaab.

Wararku waxaa ay sheegayaan  in guutada 21aad ee ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ay weerar ku qaadeen fariisimo ay ku sugnaayeen dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab deegaanka lagu magacaabo Labi-dulle.

Saraakiisha ciidamada dowladda ayaa sheegay in weerarkaa oo ahaa mid qorsheysan ku dileen xubno ka tirsan Ururka Al-shabaab, laakiin dhinaca Al-shabaab wax war ah kama aysan soo saarin dagaalka ay khasaaraha ka dhashay intaba.

Al-shabaab ayaa ka howlgala deegaanno ka tirsan gobollada dhexe oo ay fariisimo ku leeyihiin , waxaana inta badan deegaannadaa ka dhacay iska horimaadyo dhaxmara ciidamada dowladda iyo Al-shabaab.