Barlamaanka Soomaaliya oo Lagu Wargeliyey Berito Axsixinta Xukuumadda Cusub iyo Barnaamijkeeda.

0
580

Maalinta Berri ah ayaa lagu waddaa in Baarlamaanka Soomaaliya la horgeeyo xukuumadda uu dhawaan soo dhisay Ra’iisal Wasaare Maxamed Xusseen Rooble sida ay WARSOM u xaqiijiyeen ilo xog ogaal ah.

Xukuumaddan cusub ee uu soo dhisay Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa guud ahaan marka la eego ka kooban 70 xubnood oo isugu jira Wasiirro, Wasiirro-Dowlayaal iyo Wasiiro ku-xigeenno, kuwaa oo intooda badan marka la eego ah mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wax yar uun kaddib markii lagu dhawaaqay xukuumaddan cusub ka dalbaday Baarlamaanka in ay meel mariyaan si ay u gudato howlaha loo idmaday.