Xidhibaano Barlamaanka Ka Tirsan oo Sheegay Shirka Muqdisho Uga Socda M/goboleedyada iyo D F In Go’aankooda Waxba Kajirin Hadaan Barlamanka la hor keenin.

0
303

Xildhibaan Cabdi Cali Xasan oo kamid ah mudanayaasha Baarlamanka Soomaaliya ayaa ka hadlay shirka maalintii labaad ka soconaya magaalada Muqdisho ee u dhexeeya madaxda dowlad Goboleedyada, maamulka Gobolka Banaadir iyo madaxda dowladda dhexe.

Wuxuu sheegay haddii dhinacyada shirka ku leh Muqdisho ay wax ka bedal ku sameeyaan xeerkii doorashada ee madaxweyne Farmaajo saxiixay,  waxaa qasab ah in Baarlamanka Soomaaliya lagusoo celiyo.

“Haddii wax laga bedalo xeerkii doorashada waxaa qasab ah in Baarlamanka la horkeeno,  dhinacyadaan shiraya dhammaantood maaha sharci sameeyayaal,  cidda kale ee arrintaas sharciga wax ka dhihi kara waa Golaha shacabka oo ah sharci sameeyayaasha”  ayuu Xildhibaan Dr. Cabdi Cali Xasan u sheegay Warbaahinta maxalliga ah.

Magaalada Muqdisho waxaa maalintii labaad ka socdo shir u dhexeeya dowladda dhexe,  maamullada Faderaalka qeybta ka ah iyo Gobolka Banaadir,  waxaana looga hadlayaa arrimo quseeyo doorashada dalka.