Wadahadaladii M/goboleedyada iyo Dawladda Federalka oo La Filayo In uu Muqdisho Ka Furmo.

0
526
Shirka madaxda dawladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada ayaa maanta la filayaa inuu Muqdisho ka furmo, iyadoo shalay galab magaalada Muqdisho soo gaareen madaxweynayaasha Hirshabeelle, Koonfur galbeed iyo Galmudug.
Madaxweyne Farmaajo ayaa shirkan ku casuumay dowlad goboleedyada, iyadoo qorshuhu yahay in lagu dhameystiro arrimaha doorashooyinka, oo ay weli tabasho ka qabaan qaar kamid ah dowlad goboleedyada.
Shirkaan ayaa kusoo aadaya iyadoo dowlad goboleedyada dhexdooda ay hawada isku mariyeen hadalo xanaf leh oo muujinaya in dhexdooda ay ku kala duwan yihiin habka loo wajahayo doorashada Soomaaliya.
Shirarkii hore ee Dhuusomareeb, dowlad goboleedyada ayaa u muuqday kuwo isfahansan, hase yeeshee shirkii ugu dambeeyay ee heshiiska lagu gaaray, ayaa lagu kala tagay.