Fal Kufsi ah oo Lagula Kacay Gabadh Yar Da’deedu Tahey Shan Sano Jir Magaalada Muqdisho.

0
678

Gabadh yar oo da’deedu tahay shan sano jir ayaa lagu kufsaday magaalada Muqdisho sida uu sheegay Aabaheed Yuusuf Maxamed oo warbaahinta kula hadlay hoygiisa.

Isbsitaalka digfeer oo la geeyay gabadha yarta ah ayaa xaqiijiyay inuu jiro kufsi loo geystay dhibbanaha iyo Dhaawac ka Muuqda.

Gabadha eedadeed oo iyadana warbaahinta la hadashay ayaa sheegtay inay qoysku kusoo baxeen qeylada gabadhooda yarta, waxayna u yimaadeen iyadoo la kufsaday.

“Waxaan kusoo baxnay qeylada gabadha, markii aan bannaanka usoo baxnay Ayaan aragnay gabadha oo ooyaysa, markaan u tagnay ninkii falkaan geystay, wuxuu noogu hanjabay inuu na dilayo,” ayay tiri Eedada gabadha la kufsaday.

Ninkii falkaan ka dambeeyay oo sidoo kale jirdil u geystay gabadha hooyadeed ayaa la sheegay inuu ka baxsaday goobta uu falka ka geystay oo ahaa guriga uu degen yahay oo kuyaala xaafada Faanoole oo katirsan degmada Kaaraan.

Qoyska dhibanaha ayaa dowladda ka codsaday in gacanta lagusoo dhigo dambiilaha loona mariyo shareecadda islaamka iyo cadaalada waxay ka qabto.

Kiisaska kufsiyada ayaa aad ugusoo badanaya magaalada Muqdisho, todobaadyo gudaheed waxaa ka dhacday kufsiyo aad u fool xun oo loo geystay dumar iyo rag.