Digniin Cusub oo Dawladda Federalku Kasoo Saartey Fatahaadda Webiyada Juba iyo Shabeele.

0
188

Wassaaaradda gargaarka iyo maareynta masiiboyinka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa markale soo saartay digniin cusub oo la xiriirta fatahaad kale oo baaxad leh inuu sameyo wabiga Shabelle todobaadyada soo socda.

Halista fatahaad kale ayaa laga cabsi qaba maadama saadaasha Hawada ay sheegtay in roobab xoogan oo mahiigaan ah ay ka da’ayaan dhulka sarre ee gudaha dalka Itoobiya halkaaso Wabiga Shabelle kaso bilawdo.

Digniinta kasoo baxday Wassaaradda gargaarka iyo maareynta masiiboyinka DFS ayaa lagu sheegay in fatahaad uu wabiga Shabelle ka sameyay xaafado ka tirsan magaalada Beledweyne ay ka dhalatay saameyn dhanka nolosha ah maadama ay guryahoodii ka barakaceen boqolaal qoys.

Digniintan cusub ayaa kusoo beegmeysa xili naq fican uu wabiga Shabelle ka sameyay deegaanada dhinaca waqooyi uga beegan magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan sida Shabakadda WARSOM u xaqiijiyeen dad kala duwan oo ku sugan deegaanada Bacaad, Garaash iyo Leebow oo dhamaan dhanka waqooyi kaga beegan magaalada Beledweyne.