Askar Ka Tirsan Nabadsugidda Qaranka oo Iyagoo Gadoosan Xirtay Mid Kamid ah Waddooyinka Muqdisho.

0
229

Ku dhowaad 90 askari oo la sheegay iney ka tirsanyihiin hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka ayaa xertay in muddo ah waddada dajirka dahsoon ee magaalada Muqdisho.

Ciidamadaan ayaa ka cabanayay in muddo seddex bilood ah aysan qaadan wax xuquuq ah,  iyagoo ilaalo ahaan loo dejiyay garoonka diyaaradaha ee degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir.

Waxaa muddo kooban ay xayireen waddadaas oo muhiim u ah isu socodka magaalada qebo kamid ah iyo madaxtooyada Soomaaliya,  waxaana ugu dembeyn lagu guuleystay iney waddada furaan.

Saraakiil katirsan ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa gaaray, halka ciidamada gadooday ay xerteen, iyagoo ugu dembeyntiina ku guuleystay iney xalliyaan.

Ma jiraan war kasoo baxay hay’adda nabad sugidda oo ku saabsan gadoodka ciidamadaan sheegay in uu mushaarka ka maqanyahay seddex bilood.