Hawl Fiican In laga Qabtey Dekedda Berbera oo ay Ku Faantey Shirkadda DP World.

0
194
Shirkadda DP-world ayaa sheegtay inay dhameystirtay 400mitir oo qeyb  ballaarinta dhismaha dekeda magaalada Berbera ee Somaliland, sida ay ku shaacisay barteeda ay kuleedahay Twitterka.

DP-world waxay tilmaamtay in dhismahaan cusub uu qeyb ka qaadandoono kororka awooda marinka dekeda, islamarkaana la gaaridoono in ay dekeda xamili karto culays dhan 500,000 Konteenar sanadkiiba.Waxay kaloo sheegtay inay sii xoojin doonto magaalada Berbera si ay u noqoto xarun ganacsi oo weyn oo gobolka Geeska Afrika ka adeegato.

Shirkadda DP-world ayaa si rasmi ah ula wareegtay maamulka dekedda Berbera taariikhdu markay ahayd 11 Maajo sanadkii 2017.

Muddo 25 sano ayay ka saxiixatay Somaliland inay maamusho dekeda Berbera, waxayna taas bedelkeeda bixindoonta boqolaal million oo dollar oo ay dekeda ku maalgalindoonto.