Kiiskii Wariye C/casiis Gurbiye oo Maanta Maxkamadda Gobolku Go’aan Ka Gaartey.

0
616

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa waxay maanta go’aan ka gaareysaa kiiska weriye Cabdicasiis Axmed Gurbiye oo ah agaasime ku xigeenka warbaahinta Goobjoog ee magaalada Muqdisho.

Dhageysiga kiiska dacwaddiisa la xiriira ayaa dhowr jeer maxkamadda u fadhiisatay, waxayna xeer ilaalinta soo gudbiyeen dhowr jeer eedeymaha loo haaysto.

Qareennada difaacaya suxufiga oo uu kamid yahay abuukaate Daahir Carab ayaa waxay maxkamadda ka hor sheegeen in weriye Gurbiye dhammaan eedeymaha loo haaysto ay yihiin kuwa la xiriira howshiisa shaqo, islamarkaana aysan aheyn mid uu sharciga dalka u diidayo.

Ururrada u dooda saxaafadda ayaa dadaal adag ku bixinaya sidii saxafi Cabdicasiis Gurbiye uu u heli lahaa xorriyaddiisa, waxayna dacwadaasi ku tilmaameen mid siyaasadeed oo la doonayo in lagu cabburiyo saxaafadda.

Waxeyna Maxkamadda Gobolku Ku Riddey Xukun ah Lix Bilood oo Xarig ah iyo Ganaax Lacageed oo Dhan Shan Million SH SO, Iyadoo Aad Looga Xumaadey.