War Kasoo Baxey Daneeyayaasha Soomaaliya oo Xukuumada Xilka Sii Haysa Ka Fal Celisay.

0
486

Golaha wasiirrada Dowladda Soomaaliya ayaa ka hadlay hadalkii kasoo baxay beesha caalamka oo ku saabsanaa sidii ay uga fal-celiyeen kalsooni kala noqoshadii lagu sameeyay xukuumaddii uu hoggaaminayay ra’iisul wasaarahii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Wasiirka wasaaradda warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” ayaa waxa uu sheegay in beesha Caalamka ay la yimaadaan usluub wanaagsan oo ay kusoo bandhigayaan aragtidooda,  islamarkaana ay isticmaalaan hannaanka diblumaasiyadda ku qurux badan.

“Waan soo dhoweyneynaa taageerada beesha Caalamka,  laakiin waa iney ilaaliyaan madax bannaanida dalka iyo go’aannada hay’adaha dastuuriga ah” ayuu yiri wasiir Maareeye.

Dhinaca kale sii hayaha xilka ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa waxa uu kusoo qoray Twitter-kiisa qoraal uu si toos ah farriin ugu dirayo beesha Caalamka.

“Waxaan soo dhoweyneynaa taageerada beesha caalamka,  laakiin Golaha wasiirradu waxay isla garteen iney muhiim tahay ilaalinta madax bannaanida dalka ” ayuu Guuleed ku yiri qoraalkiisa.

Beesha caalamka ayaa waxay soo saareen warbixinno ay ku dhaliileen kalsooni kala noqoshadii Baarlamanka uu ku sameeyay sabtidii, xukuumaddii uu hoggaaminayay ra’iisul wasaarahii hore Xasan Cali Kheyre.