Qaad Walayaal Kenyaan ah oo Sheegay In ay Khasaareen 80,000 dolar Kadib Diyarad Dib Loo Soo Celiyey.

0
797

Ganacsatada qaadka  Kenya ayaa sheegay inay ku hungoobeen dariiq toos ah oo xagga cirka ah oo ganacsigooda isaga gudbi lahaa Nairobi iyo Hargaysa si ay halkaas u geeyaan Qaadkii dowladda Soomaaliya ay joojisay.

Ganacstadu waxay sheegeen in ay ka heleen oggolaansho Maamulka Duulista Rayidka ah ee Somaliland, balse diyaaradii ugu horeysay oo dhawaan isku dayday inay Qaad geyso Hargeysa ayaa amar kasoo baxay dowladda Soomaaliya loogu diiday inay cago dhigato gegida Hargeysa.

Gudoomiyaha Ganacsatada Nyambene Miraa (Nyamita) Kimathi Munjuri ayaa sheegay inay lumiyeen ilaa $ 80,000 kadib markii ay khasaare xoogan ay kala kulmeen badeecadii qaadka ee loo safriyay Somaliland.

Ganacsatada reer Kenya waxay  cadaalad daro ku tilmaameen in qaadka ka yimaada Itoobiya loo ogolaaday Soomaaliya, koodana loo diiday.